Thursday, May 7, 2015

Magacyada Masuuliyiin ka tirsan Daacish oo Maraykanku Madaxooda dul-dhigay Malaayiin Doollar

Washington, 07 May, 2015-(Himilo):- Dawladda Mareykanka, ayaa afar ka mid ah Mas'uuliyiinta sare ee Kooxda Daacish dul-dhigtay Lacago Malaayiin Doollar ah, si ay u hesho xogtooda oo sugan, iyadoo sheegtay in ciddii warbixinno dhab ah ka keenta Mas’uuliyiintaas la siin doono abaal-marin lacageed.
HOGGAAMIYEYAASHA DAACISHHoggaamiyeyaasha Lacagaha la dul-dhigay, ayaa waxay kala yihiin; Abd Al-Rahman Mustafa Al-Qaduli oo la dul-dhigay 7 Milyan oo Doollar, Abu Mohammed Al-Adnani iyo Tarkhan Tayumurazovich Batirashvili oo min 5 Milyan oo Doollar la dul-dhigay iyo Tariq Bin-al-Tahar Bin Al-Falih Al-‘Awni Al-Harzi oo la dul-dhigay midkiiba 3 Milyan oo Doollar.
“Cid kasta oo soo sheegta Warbixinnada afartan xubnood, waxaa la siinayaa Lacagaha abaal-marinta ah ee la dul-dhigay hoggaamiyeyaashan ka tirsan ISIS oo ah koox argagaxiso ah.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixin ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda ee dawladda Maraykanku.
Ururka ISIL oo sidoo kale loo yaqaanno ISIS/Daacish, ayaa la dhisay 2004-tii iyagoo ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya, halkaasoo ay sheegeen in ay ku soo rogayaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka, ayay dawladda Maraykanku ku eedeysay kooxdan dembiyo ay ka mid yihiin; ku xad-gudub dhanka Xuquuqda Aadanaha, dilal-wadareedyo, inay bulshada ka dhaadhiciyaan fikirkooda dagaal, dilalka Carruurta, Kufsi iyo dembiyo kale.
Mar kale Warbixintan Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanku soo saartay oo sii socotay, waxay ku tidhi; “Bishii Abriil sannadkii 2013-kii ayuu hoggaamiyaha Daacish, Abu Bakr Al-Baqdaadi sheegay in ISIS ay qaadatay fikradaha hoggaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden, isla markaana ay xukunno Islaami ah kusoo rogayso dalalka Suuriya iyo Ciraaq.”
Sidoo kale, Xukuumadda Washington ee Madaxweyne Obama, ayaa wabixinno dheeraad ah ka bixiyay Xubnaha uu dul-dhigay Lacagta abaal-marinta ah, taasoo u qornayd sidan:- “1. Abd al-Rahman Mustafa al-Qaduli waa hoggaamiye sare oo ka tirsan ISIL, isagoo ka mid noqday kooxda markii laga sii daayay xabsi horraantii 2012-kii. Wuxuuna u safray Suuriya halkaasoo uu uga howlgalo kooxda. Wuxuu markiisii hore ku biiray Al-Qaacida sannadkii 2004-kii isagoo ka hoos-shaqeynayay hoggaamiyaha kooxdaas.
2. Abu Mohammed al-Adnani oo magaciisa runta ah lagu sheegay Taha Sobhi Falaha waa hoggaamiye sare oo ISIL ka mid ah, wuxuuna u qaablisan yahay dhinaca warbaahinta iyo dacaayadaha kooxda. 3. Tarkhan Tayumurazovich Batirashvili waa xubin sare oo madax ka ah golaha shuurada kooxda. Batirashvili sidoo kale wuxuu kooxda wakiil uga dhinaca dhaqaalaha, iyadoo 24-kii September ee sannadkii 2014-kii lagu daray liiska xubnaha argagaxisada ah ee calaamka.
4. Tariq Bin-al-Tahar Bin al Falih al-‘Awni al-Harzi waa ruuxii ugu horreeyay oo ku jira liiska argagaxisada oo ku biiray ISIL, isagoo ka howlgala Suuriya. Waa mas’uul kooxda lacagaha uga soo ururiya dalalka Khaliijka Carabta sidoo kalena dagaalyahannada u qora kooxda.”
Si kastaba, ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo Mareykanka uu ka dhawaajiyo lacago abaal-marin ah oo uu dul-dhigay hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish, isagoo hore lacag u dul-dhigay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan kooxdan. Waxa sidoo kale uu Lacago dul-dhigay Hoggaamiyeyaasha Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya iyo Shabakadda argaggixisada caalamiga ah Maraykanku u aqoonsan yahay ee Al-Qaacida. Balse way yar yihiin Masuuliyiinta uu ku guulaystay helitaankooda, marka laga reebo Hoggaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin laden, Hoggaamiyihii Kooxda AL-Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Saraakiil kale oo ka kala tirsan Kooxaha uu dagaalka kula jiro.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment