“Waad ku mahadsan tihiin inaad na keentaan goobtan barakaysan, isla markaana noo oggolaataan inaan shir ku qabsanno.” Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry oo la hadlayey Masuuliyiinta Jabuuti
Jabuuti, 07 May, 2015-(Himilo)- Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry, ayaa tallaabo dhaawac ku ah sharafta Diinta Islaamka ka geystay dalka Jabuuti, ka dib markii uu shir ugu dhex-qabtay Rag iyo Dumar gudaha

Tallaabadan shalay Masuuliyiinta Maraykanku ugu badheedheen inay ku dhaawacaan shucuurta Islaamka ayey ku wehelinayeen, isla markaana la filayaa inay u fududeeyeen Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti ka tirsan.
Shirka shalay Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanku ugu qabtay koox isugu jiray Rag iyo Dumar la sheegay inay ka faa’iidaysteen Barnaamij Madaxweynaha Maraykanku bilaabay ayey goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Diinta, Awqaafta iyo Dhaqanka Jabuuti Aadan Xasan Adan iyo Madax kale.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry oo ka hadlayey gudaha Masaajidkaa dawladda Jabuuti ku soo dhawaysay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in lagu soo dhaweeyo goobta Barakaysan, isla markaana loo oggolaado inay shir ku qabsadaan. “Waad ku mahadsan tihiin inaad na keentaan goobtan barakaysan, isla markaana noo oggolaataan inaan shir ku qabsanno.” Sidaa ayuu yidhi John Kerry oo la hadlayey Masuuliyiinta dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ee gudaha Masaajidka ku soo dhaweeyey Gaalka cad.
Tallaabadan oo dhab ahaan gef ku ah Diinta Islaamka iyo Damiirka Ummada Muslimiinta ah guud ahaan, in Madax Kiristaan ah shir ugu qabtaan Haween iyo Rag Islaam ah goob barakaysan oo Masaajid ah, ayaa dhinaca kale Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu wax ka weydiiyo Culimada Diinta Islaamka, gaar ahaan Hargeysa, sharciyan waxa Diinta Islaamku ka qabto tallaabadaa, ayaanay noo suurtoobin, maaddaama qaarkood ka cudur-daarteen inay ka hadlaan, halka qaar kalena Taleefannadooda gacantu xidhnaayeen, kuwo kalena qaban waayeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment