Qaban-qaabada soodhawaynta Sheekh Aadan-Siiro, ayaa shalay iyo xalay laga dareemay gudaha Caasimadda Hargeysa, maaddaama oo uu Sheekhu muddo dalka kaga maqnaa xaalad caafimaad-darro, isla markaana ALLAAH ka caafimaadiyey xaaladda liidatay ee dalka looga qaaday oo uu hadda fiican yahay.Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa haddii Allaah raalli ka noqdo ISNIINTA barrito ah lagu soo dhawaynayaa garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo uu ka soo degi doono, isagoo loo soo galbin doono illaa gudaha magaalada, si loogu muujiyo sida ay Bulshadu ugu faraxsan tahay ka soo kabashada xaaladda caafimaad-darro ee uu dalkiisa Hooyo kaga maqnaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay.
Gabadha uu Sheekh Aadan-Siiro dhalay ee Kellideeda u saartay Aabbeheed oo Waxbarasho u joogtay waddanka Sudan, ayaa intii Kellida ay Aabbeheed u saartay ka dib timi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo si diirran loogu soo dhaweeyey, iyadoo looga mahad-celiyey sida ay u garatay una gudatay xaqa Waalidnimo, una go’aansatay inay xubin jidhkeeda ka mid ah Aabbeheed ku bedbaadiso. Waxaanay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay waajib Diiniyan ah gudatay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment