Biyongyang:May,13(SDN/QJ)-Wasiirkii difaaca Dalka Waqooyiga Koriya Hyun Yung Cole, ayaa goob fagaare ah lagu toogtay, kadib markii la sheega inuu ku kacay tallaabo Hoggaamiyaha Waddaasi weyn uga cadhooday.Wakaaladda wararka Kuuriyada Koonfureed oo soo xiganaysa xildhibaano katirsan baarlamaanka W.Kuuriya ayaa baahisay in Hyun Yung-Cole laga takhalusay kadib markii uu diiday in uu taageero iyo Jaceyl u muujiyo madaxweynaha milleteriga wadankaasi, iyadoo la arkay isagoo Hurdo galay Goob Militeri lagu tababarayey oo uu Hoggaamiyaha awoodda Badan ee dalkaasina ku sugnaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Hyun Yung-Cole lagu toogtay fagaaraha daldalaadda oo kaabiga ku haya dhismaha wasaaradda difaaca waxaana dilkiisa loo adeegsaday rasaas caadi ah.
Ma aha markii ugu horraysay oo madaxweynaha Koonfur Kuuriya uu dilo mas’uuliyiin ay is maan-dhaafeen, waxaanu hore uu u dilay Edadii iyo Nin adeer u ahaa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment