Wednesday, May 13, 2015

Dawladda Maraykanka oo ka noqotay Safiir ay Soomaaliya u soo magacawday bishii labaad ee sannadkan

Washington, 13 May, 2015-(Himilo)- Dawladda Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday inay ka noqotay Safiir bishii labaad ee sannadkan Madaxweynaha waddankaasi u soo magacaabay Soomaaliya inuu u qaabbilsanaado, kaasoo noqday muddo 25 sannadood ah Safiirkii ugu horreeyey ee Maraykanku Soomaaliya u magacaabo.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa dib ugala laabtay magacaabista Danjirha uu dhawaan u magacaabay Soomaaliya, taasoo noqonaysay tii ugu horreysay oo Danjire uu Mareykanku ugu soo magacaabo Soomaaliya 25 sano ka dib.

Saraakiil ka tirsan dawladda Mareykanka, ayaa sheegay in sababta Madaxweyne Obama khasab kaga dhigtay inuu la laabto magacaabista Safiirrada ay tahay iyadoo diidday inay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya noqoto, iyadoo Danjire Katherine Simonds Dhanani ay hore uga soo shaqeysay Afrika. Iyadoo la sheegay in la filayo in Danjire kale uu Barack Obama ku beddelo Safiir kale.

Dawladda Mareykanka, ayaa xidhatay Safaaraddii ay ku lahayd Soomaaliya 1991-kii, markaasoo la riday Xukuumaddii Millateriga ee Soomaaliya, dalkana ay ka billaabmeen dagaallo ahli ah. Obama, ayaa ka laabashadiisa Danjirihii uu u soo magacaabay Soomaaliya waxay kusoo beegmaysaa xilli toddobaadkii hore uu Muqdisho soo booqday wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, isagoo kulammo kala duwan la qaatay madaxda dalka, bulshada rayidka iyo saraakiisha AMISOM.

John Kerry, ayaa sheegay in xidhiidhka Mareykanka iyo Soomaaliya uu yahay  mid aad u adag, isagoo xusay in Safaaraddoodii Soomaaliya ay dib u furi doonaan, taasna ay horseedi doonto in labada calan ay ka dul-babbadaan labada Caasimadood ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

Danjire Katharine Dhanani, ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya bishii Feberaayo ee sannadkan 2015-ka, iyadoo aan la ogeyn sababta ay Haweeneydani u diidday inay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya noqoto, iyadoo la filayo in Mareykanku uu dib u furto Safaaraddiisii uu ku lahaa Muqdisho. Diblamaasiyiin ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo haatan ku shaqeysa Caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaa xaqiijiyay in lagu soo wargeliyay in laga laabtay magacaabistii Danjirihii Mareykanka ee Soomaaliya Katharine Dhanani, balse may sheegin xilliga rasmiga ah ee beddelkeeda la soo magacaabi doono.

Hargeysa

Himilomedia

No comments:

Post a Comment