Wednesday, May 13, 2015

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Wada-hadal Turxaan Bixineed oo ay la Furayso Axsaabta Mucaaridka

sayliciHargeysa:May,13(Himilo)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Markii ugu horraysay shaacisay inay wada-hadal laga galo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka abuurmay ay la furto Xisbiyada Mucaaridka ah oo ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin Muddo-kordhin xukuumadda loo sameeyey.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici)oo Maanta saxaafadda arrintan kala Hadlay, ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu iyagoo wada jira ay diyaar u yihiin inay Xisbiyada mucaaridka ah ugu baaqdo gogol lagu dhamaynayo Khilaafka soo baxay, taasina ay tahay Go’aan xukuumadda Iyo xisbiga Kulmiye gaadhay.

“waxan u qabtay inaan umadda u caddeeyey inaanu khilaafka siyaasiga ah ee abuurmay inaanu ka furayno wada hadal kadib 18-ka May, kaas oo aanu ku wadno inuu Furmo 20-Ka Bishan May. Waxanu ugu baaqaynaa xisbiyada walaalahayaga ah inaanu wada hadal iskugu nimaadno anigoo Xisbiyga kulmiye iy xukuumadda ka wakiil ah.” Ayuu yidhi Mudane Saylici.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa caddeeyey inay xidhiidho la sameeyeen Mucaaridka, waxana uu si gaar ah u sheegay inay la Hadleen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, isagoo meesha ka saaray wax xidhiidh ah oo ay wali u sameeyeen Guddoomiyaha Waddani Mudane Cirro, waxana uu yidhi,

“Waxanu la xidhiidhnay hoggaamiyaha xisbiga ucid, ilaa xalayna waa wada Hadlayna waxana uu naga aqbalay inaanu isu nimaadno, laakiin Guddoomiyaha kale wali lamaanu xidhiidhin.”

Mudane Saylici oo ka Jawaabayey su’aal la xidhiidhay inay Gorgortan ka gelayaan Muddo-kordhinta ay guurtidu u samaysay, ayaa sheegay inay arrintaasi tahay mid Distoori ah, balse daminta khilaafkan jira la soo afjari doono, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

“wixii golahani(guurtidu) gaadhay waa arrin distoori ah, laakiin wixii khilaafka saaraya diyaar baanu u nahay.”

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo wax laga weydiiyey cadaadis Beesha calaku ku saartay Xukuumaddiisa dibu dhaca Doorashada, ayaa arrintaas ka marag kacay, waxana uu xusay inay Beesha caalamka u sheegeen in muddo-kordhintu tahay mid Guurtida ka timi oo aanay xukuumaddu shaqo ku lahayn,

“Wakiilka Midowga Yurub Waxa uu yidhi muddadaas dheer waxa idinka niyadjabaya Bulshada Caalamka, waana u sheegnay inaanu dhamaysanayno khilaafka nasoo kala dhexgalay, isagana waxba kama aanu diidine waxanu u sheegnay in hay’ddaas distooriga ahi Go’aankaas gaadhay, balse balse xukuumaddu aanay wax saamayn ah ku lahayn.”

Tallaabada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku ogolaatay inay xisbiyada Mucaaridka wada-hadal kala gasho khilaafka taagan ayaa sida muuqata ah mid Beesha caalamku ku khasabtay, waxana dhawaaqani ka dambeeyey kulan uu Madaxweyne Siilaanyo shalay la qaatay Wakiilka MIdowga Yurub Macheal Cervo oo Hargeysa ku sugan.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment