Hargeysa, 13 May, 2015-(Himilo)- Xubno ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka, ayaa shalay iyo xalay kulammo kala duwan Hargeysa kula yeeshay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ee UCID, WADDANI, Shir-guddoonka Golaha Guurtida, Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ay kala hadleen sidii wax looga beddli lahaa muddo-kordhinta labada sano ee labada bilood ka dhiman yihiin ah ee loo sameeyey Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo wakhtigoodu ku dhammaanay 26 June 2015-ka.
Kulammo kala gooni gooni ah oo saacado kala badan qaatay, ayaa la sheegay inay Xubnahan Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Midawga Yurub ka socda oo Hargeysa soo gaadhay Habeen-hore, ayaa la sheegay inay Kulankooda ugu horreeyey la yeesheen Masuuliyiinta Xisbiyada UCID iyo WADDANI, sidoo kalena ay kulan la yeesheen Guddiga doorashooyinka, iyagoo markaa ka dibna la sheegay inay Shir-guddoonka Guurtida iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la kulmeen.
Waxa warku intaas ku daray in Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Guurtida ay ka dalbadeen in laga noqdo muddo-kordhinta sannadkan iyo tobanka bilood ah, isla markaana lagu soo noqdo heshiiska ay Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinku isku raacsan yihiin. Hase-yeeshee, waxa la sheegay in Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) diideen soo jeedintaas, isla markaana ku adkaysteen in go’aanka Guurtidu gaadhay yahay go’aan Sharci iyo go’aan Gole oo aan ka noqosho ama ka laabasho lahayn.
Geesta kale, waxa la sheegay Kooxda Isku-dubbaridka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ee Somaliland u qaabbilsan waddamada Qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa shir dhinaca habka maqalka iyo muuqaalka ee loo yaqaanno Vedio Confrence la yeeshay Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, Kooxdaas oo Fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, ayaa la sheegay inay Guddiga doorashooyinka ku canaanteen inay ka gaabiyeen doorkooda la xidhiidhay qeexida hannaanka doorashada iyo wakhtiga rasmiga ah ee ay ku qaban karaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada, maaddaama oo aanay dalka ka jirin mid ka mid ah Aafooyinka Dabiiciga ah ee Dastuurka Somaliland caddaynayo inay dib-ridi karaan doorashooyinka qabashadooda.
Guddiga doorashooyinka ayaa bishii hore soo saaray Jadwal ay ku sheegeen inay doorashada ku qaban karaan oo ay Madaxweynahana u gudbiyeen, isla markaana ay Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka Qaranku heshiis ku ahaayeen oo dhigayey in ay doorashada Madaxtooyada iyo Wakiillada oo isa saar ah ku qaban karaan 1-da bisha June ee sannadka 2016-ka. Inkasta oo ay Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI isku raaceen in shan bilood iyo shan iyo toban cisho lagu daro oo doorashada la qabto 15-ka bisha November 2016-ka, ka dib markii ay isla garawsadeen in duruufo jiraan, kaasoo ay KULMIYE iyo UCID u gudbiyeen Guurtida, balse uu WADDANI ka biyo-diiday markii dambe.
Inkasta oo aannu isku daynay inaannu dhinacyada kala duwan ee Warkani khuseeyo wax ka weydiinno si aannu xogo intan ka faahfaahsan uga helno, ayaanay noo suuragelin ka dib markii ay Masuuliyiinta Xisbiyada UCID iyo WADDANI, Guddiga doorashooyinka iyo Xubnaha Qaadhaan-bixiyeyaasha ahiba naga qaban waayeen Taleefannadooda gacanta, farriimo aannu u dirnayna ka soo jawaabi waayeen.
Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Isniintii dorraad ku dhawaaqay inay muddo sannad iyo toban bilood ah u kordhiyeen muddada xil-hayntooda Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada Somaliland, halka Golaha Guurtidana muddo sannad ah uu ka dambaynayo sida uu sharcigu dhigayo. Hase-yeeshee, Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa qaaddacay muddada sannadka iyo tobanka bilood ah ee ay Guurtidu kordhiyeen, isla markaana sheegay inay ku noqdeen heshiiska la isku raacsanaa ee Guddiga doorashooyinka Qaranku ku cayimeen inay doorashada qabanayaan 1-da June sannadka soo socda ee 2015-ka.
Qaadhaan-bixiyeyaasha ayaa la sheegayaa inay isku dayayaan inay Xukuumadda cadaadis ku saaraan si go’aanka Guurtida looga noqdo, cadaadiskaas oo la sheegay inuu noqon doono mid la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha ay Somaliland ku caawiyaan, mid dhinaca socdaalka caalamka ah oo saamayn ku yeelan doona sida la sheegay dhaqdhaqaaqa Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo inta badan Masuuliyiinta Xukuumadda muddada loo kordhiyey, balse weli waxay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Guurtidu ku adkaysanayaan inaanay ka noqonaynin go’aankaas oo uu yahay go’aan Sharci oo ay Golaha Guurtida oo Sharci ahaan dalka ugu sarreeyaa gaadheen
. Hargeysa
Himilomedia
No comments:
Post a Comment