Muqdisho, 18 October, 2015-(Himilo)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Farkeeti ayaa shalay Muqdisho ku saxeexay heshiis ay dowladda Imaaraadka carabtu ku bixinayso mushaharaadka ciidammada dalka, iyadoo Imaaraadkana uu u saxeexay heshiiska danjirahooda u fadhiya Soomaaliya, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.
Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga oo dhankeeda u saxeexay Abaanduulaha ciidammada xoogga, Jen. Cali Baashe iyo shirkadda Gorgor Solution oo loo xil-saaray bixinta mushaharaadka ciidammada.
Abaanduulaha ciidanka xooga dalka, ayaa goobta ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ciidanka loo helo mushahar joogto ah oo la qaato xilli go’an, taasoo wax weyn ka beddelii karta dhibaatooyinkii mushaharaadka oo inta badan soo daahi jiray “Waxaanu dedajinaynaa dib u habaynta ciidammada oo hadda si wanaagsan u socota” ayuu yidhi, abbaanduulaha Ciidammada Milletariga Soomaaliya.
Sidoo kale, danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa dhankiisa sheegay in xidhiidhka u dhaxeeya labada dal uu yahay mid aad u xooggan, sidaas darteedna aan go’aan-sannay inaan dowladda ka caawino bixinta mushaharaadka ciidammada, taasoo qayb ka ah mashaariicda aan ugu talo-galnay inaan kor ugu qaadno tasiilaadka dowladdu u baahan tahay ayuu sheegay Danjiruhu.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhankiisa xusay in dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka soo food-saaray ay sabab u noqotay inay daahaan mushaharaadka ciidammada. Taasoo loo aanayn karo Miisaaniyadda 2015-ka oo dib u dhac uu uga yimid qaybtii ay ku kabi jireen Qaadhaan-bixiyayaasha caalamka.
“Aad baan ugu faraxsanahay in la saxeexanno heshiis lagu bixinayo mushaharka ciidammada Soomaaliya safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo runtii mar kasta u taagan sidii loo garab-istaagi lahaa dowladda Somalia. Xaqiiqdii bixinta mushaharka ciidanku wuxuu naga yareynayaa culayskii xagga dhaqaalaha ee naga haystay dhanka musharahaadka, waxaana dedaal u galaynaa inaan dhaqso u bixino dhammaan mushaharadkii ka daahay ciidamada.” ayuu yidhi wasiir Fargeeti.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment