Sunday, October 18, 2015

Wasiirka Waxbarashada oo ku biiray Musharraxiinta ku loollamaya KULMIYE, Eedaynna u jeediyay Cabdiraxmaan-Saylici

 

Hargeysa, 18 October, 2015-(Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Prof, Faarax Cilmi Geedoole ayaa ku dhawaaqay inuu hunguri ka hayo inuu u tartamo Musharraxa Madaxweyne ku xigeenka KULMIYE ee shanta sanadood ee dambe.

Prof Geedoole oo shalay ka hadlayey Munaasibad ay aqlabiyadda guddida fulinta KULMIYE ku yeesheen Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa ayaa yidhi “Waxaan ahay Ragga hungurigu ka hayo inay isku sharaxaan Madaxwayne ku xigeenka KULMIYE.”

Wasiir Geedoole ayaa Madashii uu kaga dhawaaqay hankiisa Musharraxnimo waxa uu eedaymo uga jeediyay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ee xilka haya, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sheegay inuu masuul ka yahay khilaafaadka ka dhexeeya Musharraxiinta xisbiga ee loolamaya  “Maadaama oo xisbigu yahay xisbul-xaakimka waa in aanay iman wax innaga duwaya dariiqa Cadaaladda ahaa,sidaa daraadeed waxaanu dhammaantayo ku talinaynaa in la raaco xeerka xisbiga” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray; “Cidda laga rabo inay waxaa khaldan toosisaana waa Madaxweyne ku xigeenka oo ku simaha Madaxweynaha ah.”

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment