“Ma barno Ardayda cilmiga oo qudha, waxaannu barnaa siday hoggaamiyeyaal u noqon lahaayeen. Ardayda Jaamacadda Hargeysa wax bay ku celiyeen ummadda reer Somaliland..” Guddoomiyaha Ku-meel-gadhka ah ee Jaamacadda Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri
Hargeysa, 1 October, 2015-(Himilo)- Arday tiradoodu dhan tahay 930 oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, ayaa shalay ka qalinjabiyay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa, kuwaasoo dhammeystay waxbarashada heerka koowaad iyo labaad ee Degree-ga iyo Master-ta.
Munaasibadda loo sameeyey Qalin-jebinta Ardaydan, ayaa Arbacadii shalay lagu qabtay Hoolka Jaamacada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland ahna Ku-simaha Madaxwaynaha, Wasiirro, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaanno, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Salaaddiin, Saraakiisha Ciidammada kala duwan, Ardayda qalin-jebisay, Waalidiin iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.
Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Jaamacadda Hargeysa University Mahdi Cismaan Buuri, ayaa ka hadlay Qalin-jebinta Ardayda, marxaladihii ay soo martay Jaamacaddu iyo Aqoonta ay dheertahay Jaamacadaha kale ee dalka ka jira, isagoo sheegay in sannad walba ay kordhayso tirada Ardayda isdiiwaangelisa ee doonaya inay wax ka bartaan kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa ka kooban tahay.
“Jaamacadda Hargeysa waxaa la aasaasay 2000, 2004 waxaa ka Qalin-jebisay 86 Arday, maanta waxaa ka Qalin-jebiyey 930 Arday, waxaa la dareemi karaa muddadii ay furnayd iyo horumarka ay sannadba sannadka ka dambeeya gaadhayso Jaamacadda Hargeysa. Jaamacadda Hargeysa maxay kaga duwan tahay Jaamacadaha kale? Waxa weeye Boodhadh ay leedahay Waddooyinka kumaynaan arag, Xayaysiin ay leedahay TV-yada kamaynaan arag, haddana dadku way ku soo hoobanayaan.” Sidaa ayuu yidhi Mahdi Cismaan Buuri.
Waxaanu Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Mahdi oo sii wata sharraxaaddiisa intaas ku daray; “Sababtu waxa weeye, Jaamacadda Hargeysa maaha mid Ganacsi loo furtay ee waa mid loo furay danaha dadka reer Somaliland, waxaanay qaabbishaa Ardayda ka timaadda gobollada dhammaan. Waxay Ardayda siisaa qiimaha ugu jaban ee Arday wax ku baran karo, Lacagta laga qaado Ardayda Jaamacadda Hargeysa maaha mid jeeb gaar ah ku dhacda ee waa mid iyaga dib loogu celiyo.”
“Macallimiinta wax ka dhigtaa waa kuwo tayo leh oo xul ah. Jaamacaddu waxay waxbarasho bilaasha siisaa dadka laga tirada badan-yahay oo maanta ay ka qalin-jebinayaan tiradii ugu badnayd abid, Macallimiinta waxaannu siinnaa Mushahar ku filan si aanay meel kale u hiigsan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Jaamacadda Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri. Waxaanu sheegay inay markasta ku dedaalayaan tayeynta Aqooneed ee ay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa ka kooban tahay bixiyaan.
“Ma barno Ardayda cilmiga oo qudha, waxaannu barnaa siday hoggaamiyeyaal u noqon lahaayeen. Ardayda Jaamacadda Hargeysa wax bay ku celiyeen ummadda reer Somaliland, Ardayda Kulliyadda Caafimaadku Miyiga ayey u baxaan oo ay soo dhaweeyaan danyarta iyo Hooyada soo gaadhi wayday Dhakhtarrada. Ardayda Kulliyadda Beeruhu Beero ayay samaystaan, Dalaggii ay soo saareenna Istoodhyada ayay ku jiraan immika, waa Arday ku fillaatay dadkooda iyagoon soo bixin, la idin dhadhami oo la idinka dherag.” Sidaa ayuu yidhi Mahdi Cismaan Buuri, oo u duceeyey Ardayda qalin-jebisay Wiilal iyo Gabdhaba.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo isna Xafladdaas ka hadlay, ayaa weedho bogaadin iyo dardaaran isugu jira u jeediyey Ardaydaas, isagoo sheegay in ay badatay tirada Ardayda ka qalin-jebinaysa Jaamacadaha, isla markaana loo baahan-yahay in la tayeeyo Aqoonta Ardayda.
“Maanta farxad wayn bay u tahay Wasaaradda Waxbarashada, Tacliinta sare iyo dhammaan ummadda reer Somaliland, Ardayda ku guulaysatay inay dhammaystaan Degree-ga koowaad iyo labaad-ba. maaddaama oo aynu waxbarashadii xoogga saarnay oo dalkeenna intaas oo Jaamacadood ka furan yihiin waxaannu Jaamacadaha kala shaqaynaynaa sidii Arday tayo leh loo soo saari lahaa. Ardaydana waxaan leeyahay Cilmiga looma barto shaqo ee samra oo dalkiinna jooga.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Geedoole.
Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ardayda ka qalin-jebisay shalay Jaamacadda Hargeysa oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay, waxaanu yidhi; “Waxaan ku farxayaa qof kasta oo reer Somaliland ah oo joogay 1991 markii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay halkaynu maraynay iyo halka maanta aynu marayno. Waynu is canaananaynaa uune waxaynu maraynaa meel Illaahay loogu mahad-naqo. Waxaynu haysanno dad badan oo Islaam ah iyo Walaalaheenna Soomaaliya ma haystaane waxa innaga dhiman uun yaan la eegine waxaynu qabannayna halla eego.”
Madaxda Xisbiyada Qaranka, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Madaxwayne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo goobtaasi ka hadlay, ayaa iyaguna hadallo hambalyo iyo dardaaran isugu jira u jeediyey Ardayda shalay loo qabtay Munaasibadda Qalin-jebintooda. Gebo-gabadii Madaweyne Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu Shahaadooyin guddoonsiiyey Ardayda ugu sarraysay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa.

Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment