Thursday, October 1, 2015
Wasiir Biixi oo Xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda arrimaha dibedda
Wasiirka arrimaha dibedda oo sheegay inuu is-casilay Agaasimihii guud ee hore intaan beddelkiisa la magacaabin
Hargeysa, 01 October, 2015-(Himilo)- Agaasimaha guud ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq, ayaa Arbacadii shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaaraddaasi Maxamed Xasan Siciid.
Munaasibad labada Masuul xilalka kula kala wareegeen oo shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Wasiirka arrimaha dibedda, Wasiir Ku-xigeenka, Shaqaalaha Wasaaradda, Masuuliyiin iyo dadweyne kale. Agaasimihii hore ee Wasaaradda arrimaha dibedda Maxamed Xasan Siciid oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Agaasimaha cusub ee xilka kala wareegaya.
“Waxa uu xilkan Madaxweynuhu ii magacaabey 2013 bishii July, waxaanay aheyd shaqadii saddexaad ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ii magacaabo muddadii ay Xukuumaddani jirtey, runtiina xilalkaas la ii magacaabey waxaa ay aheyn qaar la igala tashadey oo aan wax badan ka ogaa inta badanna dalab aan anigu dalbadey ku yimid.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xasan.
Waxaanu Agaasimihii guud ee Wasaaradda arrimaha dibeddu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Maanta (Shalay) xilkan aan wareejinayaa waa xil aan anigu gartey in aan wareejiyo muddana aan ku hawlanaa in xilkan ciddii qaban laheyd ee hanan laheyd aniga dabaday loo soo magacaabo, dhawr jeerna Madaxweynaha aan u gudbiyey istiqaalad, waxanan maanta ku faraxsanahay in xalkii loo soo magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq oo aan is leeyahay waa masuul hanan kara shaqadan. Waxaanan leeyahay ku soo dhawoow.”
Sidoo kale, Agaasimaha guud ee xilka la wareegay Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq, ayaa Munaasibaddaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Marka hore waxaa mahadda iska leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo gartey in uu xilkan ii magacaabo Xukuumaddan waxaan odhan karaa waa Xukuumaddii dhalinyarada, waxaanad ka garan kartaa waxa xilka igu wareejinaya nin dhalinyaro ah, waxaana la wareegaya aniga oo ah nin dhalinyaro ah.”
“Runtii waxaan ku dedaali doona sidii aan uga soo bixi lahaa xilkan la ii magacaabey, waxaanan Shaqaalaha Wasaaraddan leeyahay shaqo wacan baan idiin rejeynayaa.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Cabdiraxmaan Maxamuud Abdeeq.
Gebogabadii Munaasibaddaas Xil-wareejinta, waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore, isla markaana waxa uu sheegay in Agaasimaha xilka wareejiyey is-casilaaddiisa mar hore u gudbiyey Madaxweynaha iyo isaga oo Wasiirka Khaarajiga ah-ba.
“Waxaannu aad iyo aad u soo dhaweynaynaa Cabdiraxmaan Abdeeq Agaasimaha cusub ee Wasaaraddan loo soo magacaabay. Waxaan sidoo kale si kalgacayl ah aannu u sii sagootiyeynaa Maxamed Xasan Siciid oo aad iyo aad noola shaqeeyey runtiina Maxamed Isaga ayaa talada goostey in uu shaqada ka tago, istiqaaladdiisii mar hore ayuu dhiibey.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hadlakiisa sii watay waxa uu yidhi; “Aniga iyo Madaxweynaha ayuu noo dhiibey, balse waxaannu ka codsannay in uu in yar nala sii joogo, aad iyo aadna waan kuugu mahad-naqaynaa in aad naga ajiibtey oo aad arrinkaas aannu kuula nimid naga aqbashey, maantana aad iyo aad baannu ugu faraxsannahay in uu beddelkiisii oo Cabdiraxmaan ahi nala joogo, waxaanannu leenahay soo dhawoow Cabdiraxmaan.” Hadalladaas ka dib, ayuu Wasiir Biixi xilka u kala wareejiyey labada Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment