Saturday, May 31, 2014
DAAWO: Filimka Xasuuqii Xeebta Jasiira ee Magaalada Muqdisho ka dhacay 17 july 1989kii
filimka xasuuqa xeebta jasiira sawirFilimkani oo dhamaystiran ayaa ka kooban 10 Qaybood waxaanu ku Saabsan Xasuuqaasi iyo dhacdooyinkii laga ururiyey oo Bahda Himilo Media Group idiinku soo gudbiyeen si taxane ah.
Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee 46-ka qof ee xeebta Jasiira lagu xasuuqay 17-kii July 1989kii ayaa dhamaantood dhalasho ahaan waxay ka soo jeedeen Somaliland, kuwaas oo isugu jiray waayeel iyo dhalinyaro ahaa aqoonyahano, arday, ganacsato, macalimiin, xirfadlayaal, xoogmaal iyo shaqaale dawladeed, oo aan danbi galin, dhibaato kalena geysan balse loo gumaaday oo kaliya isirkooda oo cadaawad iyo naceyba u qabtay taliskii siyaad bare, sidaasi awgeed halkan ka daawo xasuuqii xeebta jasiira sidii uu u dhacay iyo shaqsiga kaliya sida uu uga badbaaday iyo dareenka ehelada dadkaasi lagu xasuuqay xeebta jasiira ee magaalada muqdisho.
Daawade waxaanu marti kaaga nahay inaad aragtida aad ka qaadatay daawashada filimkani.
HALKAN KA DAAWO
QAYBTII 1aad
QAYBTA 2aad
QAYBTA 3aad
QAYBTA 4aad
QAYBTA 5aad
QAYBTA 6aad
QAYBTA 7aad
QAYBTA 8aad
QAYBTA 9aad
QAYBTA 10aad
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Qabyaaladda Siyaasadeed Somaliland waa ay galaafan doontaa -W/Q Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
”Geedkaannu goynnaaba waa gawlalliyo jiice
Ilaah baa guntiga noogu xidhay maydhax gumareede” – Saleebaan-Maydhaxgumareed
Dawladnimada Somaliland bilawgii waxaa la gu dhisay habka tolalka iyo hiddihii soojireenka ahaa. Duruufihii maalintaa jiray kolka la tixgeliyo daruuri bay ahayd baa la dhihi karaa. Ha ahaatee maalintaaba qof waliba wuu garan karayay in ay tahay marxalad bulsheed oo aad u dambaysa oo kol uun la ga bixi doono.
Mar uun bay garashada hagaagsan iyo dantu diidi doonaan dawladnimo casri ah in waxaa la gu wado. Laakiin saddex iyo labaatan sannadood ka dib arrintu wax ay taagan tahay bartii la ga soo unkay iyo meel ka sii liidata. Maanta dalkii meel walba shir qabiil-siyaasadeed baa ka socda, qolo walibana gooni bay isu abaabulaysaa. Siyaasigiina bulshadii tolal buu u ka la qaybinayaa oo af qabiil iyo arrimo qabyaaladeed buu ku la dhex jiraa. Dabadeed midnimadii iyo dawladnimadii waa baylah oo haad iyo hanraawe ayay u yaallaan.
Ururrada siyaasadeed qabiil ayay ku wada dhisan yihiin, waxa qudha ee ay soo kordhiyeenna waa buuq iyo qabyaalad. Sideedaba dimuqraadiyaddu danta ay xisbiyada badan ka lee dahay waa xorriyadda siyaasadeed oo baahda iyo maamulka dawladeed oo loo helo awoodo is ilaaliya. Ha ahaatee xisbiyadu maanta bulshada Soomaalilaand u ma wadaan dantaa iyo wanaaggaa. Tusaale ahaan dadka xisbiyada ku wada jiraa ma leh aragti siyaasadeed iyo fikir mideeya oo ay wadaagaan, wax ay se ku wada dhisan yihiin qabyaalad. Waxba tari mayso in ay dhawr nin oo ka la reero ahi calanka xisbigaa isku wada sawiraan. Runtu waa qabyaalad, wax kalena meesha ma yaallaan.
Axmed-Siilaanyo wax uu Daahir Rayaale ka dhaxlay dawladnimo shaqaynaysa oo dadkeedu u heellan yahay, dadkaas oo haddana la heetinaya dhaawac qabyaaladeed, welina aan ka la baran dawlad iyo reer waxa ay ka la yihiin. In bulshada wacyigeed siyaasadeed la kobciyo oo la baro ka la fogaanta tolnimada iyo dawladnimada ayay ahayd in aad loo ga shaqeeyo. Siyaasadda iyo xilalka dawladda ayayna ayahd taa in wax la ga ga shaqeeyo. Laakiin nasiibxumo maamulka Axmed-Siilaanyo boogtaa wuuba u ga sii daray. Wax waliba dhanka xun bay maanta u sii socdaan. Siyaasigii iyo dawladdii taa u xilsaarnaa baa faafinaya oo bulshada iyo carruurta baraya. Inta ay sidaa tahay ee qabyaaladda la koolkoolinayo, qofna yuu ku riyoon in dawladnimo casri ahi taabbagasho. Taa daayo natiijadeeda xumi jiritaanka Soomaalilaand oo dhan bay galaafan kartaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Milicsiga khilaafaadkii Xisbiyada Somaliland ee 1942-kii ilaa 2014-W/Q: Cali Cabdi Coomay
Qormadan waxay ku lafo-guri doonaa khilaafaadkii waaweynaa ee ka dhexqarxay xisbiyadii soo maray Somaliland ilaa kuwa imika jira.
Xisbiyadii 1942-kii ilaa 1960-kii
Muddadii u dhexaysay sannadaha 1942-kii ilaa 1960-kii waxa Somaliland ka jiray afar xisbi oo kala ahaa: SNS, NUF, SNL iyo USP. Bal aynu mid kasta eegno siduu u khilaafka u burburiyay.
A. Xisbigii SNS ee 1942-kii
Xisbigan SNS waxa la aas-aasay sannadkii 1942-kii, waxaana aas-aasay xubnahan hoos ku qoran:
1. Yuusuf X. Adan Qabile
2. Cali Qawdhan
3. Yuusuf Maygaag Samatar
4. Cabdi Jibriil
5. Siciid Caabi
Xisbigani wuxuu in muddo ah ku jiray qarsoodi maadaama oo ingiriisku ogolayn xisbiyo aan ka shaqayn danta gumaysiga ingiriiska. Horaantii sannadkii 1944-kii ayuu xisbigii SNS xoogaystay waxaana ku soo biiray xubno farabadan. Markii in muddo ah xisbigu heer fiican marayo ee xisbigii loo sameeyay sharci iyo maamul, ayuu soo kala dhexgalay khilaaf.
Khilaafkii iyo burburkii xisbiga SNS
Xubnihii sar-sare ee xisbiga SNS ayaa u kala qaybsamay laba garab oo beelaysan oo kala ahaa:
· Subeer-awal
· Garxajis
Arrintaasi waxay keentay inuu burburo xisbigii SNS oo qaab reeraysan u baabay. Labadan garab waxay ku dhawaaqeen laba xisbi oo magacyo qabiil huwan, kuwaasi oo kala ahaa:
· Odayaashii iyo aqoonyahankii Subeer-awal waxay samaysteen xisbi ay ugu magac-dareen “Subeeriya”.
· Odayaashii iyo aqoonyahankii Garxajis waxay samaysteen xisbi ay ugu magac-dareen “Garxajisiya”.
Dhexdhexaadintii labada garab ee SNS
Guddiyo is-xilqaamay ayaa bilaabay inay isku keenaan labada garab. Markii uu wadahadalku socday in muddo ah, ayay guddigii soo saareen qorshe odhanaya in la mideeyo labada garab, oo magaca cusub loo bixiyo, lagana tago labadan magac ee qabyaalada huwan. Labadii garab way ku qanci waayeen midaynta labada garab, halkaasina waxa ku burburay dhexdhexaadintii guddiga. Halkaasina waa lagu kala tegay.
B. Xisbigii NUF ee 1954-kii
NUF waxa la aas-aasay sannadkii 1954-kii. Waxa guddoomiye ka ahaa Axmed Xasan Ibraahi. Xogahaye guudna waxa ka ahaa Maykal Maryaano. Xisbigan aas-aaskiisu wuxuu ka dhashay markii dhukla Hawd iyo Researve Area ingiriisku ku wareejiyay dalka Itoobiya. Ka dib la diray wefti ka socda Somaliland oo la kulma dawlada ingiriiska gaar ahaan Baarlamaanka.
Khilaafkii kala qaybiyay xisbiga
Xudunta khilaafka ayaa ku fadhiday laba arrimood:
· Xubno aaminsanaa in toos loo bilaabo halgan gobonimo doon ah, oo shaarac lagala hadlo shacabka.
· Xubno aamisanaa inaan lagu deg-degin halgan toos ah, maadaama oo ingiriiskii dalka haysto, oo caqabadi jirto.
Khilaafkii ayaa sii laba kacleeyay, ka dib wuxuu buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray labadii garab eek ala aaminsanaa labada fikir. Xarunta xisbiga oo ahayd Khayriyada ayaa buuq iyo gacan ka hadalku ka dhacay. Ka dib ingiriiskii ayaa soo kala dhexgalay. Isagoo ku marmarsoonaya amaanka magaalada Hargaysa ayaa khatar gelaya. Ingiriiskii ayaa albaabada u laabay xaruntii Khayriyada ee xisbiga NUF.
Dhexdhexaadintii ingiriiska ee labada garab
Labadii garab ee NUF u kala qaybsanayaa ayuu ingiriisku isugu yeedhay. Ka dib ingiriiskii ayaa wuxuu yidhi garabkii haysta taageerada shacabka ayaa la wareegaya xarunta xisbiga ee Khayriyada. Markii la isugu yimid goobtii ayaa ay teegeero bateen garabkii ka soo horeejaday guddoomiyaha iyo xoghayaha.
Garabkii taageera batay oo ku dhawaaqay xisbigii SNL
Markii ay garabkani ku dhawaaqeen xisbigan SNL ayaa lagu wareejiyay xaruntii Khayriyada, halka xisbigii ku hadhay NUF ay kiraysteen guri waqooyi kaga began fooqa oryatanka.
C. Xisbigii SNL
Xisbiga SNL waxa la aas-aasay sannadkii 1956-kii. Waxa guddoomiye ka ahaa Xaaji Cumar Aska, halka xoghayaha guudna ka ahaa Maxamed X. Ibraahin Cigaal Xubnihii horoodk ka ahaa waxay ahaayeen: Maxamed Cali Faarax, Ibraahin Cali Ducaale, Shaqalle, Cumar Hadraawi, Duqsi, Cali Maygaag Samatar. Xisbigani wuxuu noqday mid saamayn weyn ku yeeshay Somaliland. Xisbigani wuxuu markii dambe noqday kii ku guulaystay xubnihii ugu badnaa ee Baarlamaanka Somaliland sannadkii 1960-kii.
Khilaafkii xisbiga kala qaybiyay
Markii xisbigii SNL ku guulaystay Doorashadii Baarlamaanka ee Somaliland horaantii sannadkii 1960-kii. Ayuu khilaaf xoogani soo kala dhexgalay xisbiga. Khilaafkani wuxuu salka ku hayay laba arrimood oo kala ahaa:
· In qorshe loo sameeyo qaabka midowga dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, oo aan lagu deg-degin in toos loola midoobo Soomaaliya.
· Iyo koox aaminsan inaan shuruud lagu xidhin wax qorshe ahna la samayn, oo si deg-deg ah loola midoobo Soomaaliya, maadaamoo walaaleen ay diyaar inoo yihiin.
Labadan fikradood ayaa u kala qaybiyay xisbigii laba garab, oo si weyn isu haysta, oo aan dabka kala qaadan.
Dhexdhexaadintii labada garab
Xubno ka tirsan xisbiga oo labada fikradood midna taageersanayn ayaa isu-xilqaamay inay isu-soo jiidaan labada garab. Markii khilaafku meel weyn marayo ayay dhexdhexaadinta ku soo biireen odayaashii ugu caansanayd reer Hargaysa. Labadii garab ayaa ku gacan saydhay qorshihii labada dhinac la isugu keeni lahaa. Isagoo khilaafku halkaasi maraya ayay dhacday midowgii dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya. Taasina waxay keentay in xubnihii Baarlamaanka ee SNL ay laba garab u kala fadhiistaan xaruntii Baarlamaanka. Halkaasina waxa ku burburay midowgii xisbiga SNL.
D. Xisbigii USP
Xisbigan USP waxa la aas-aasay sannadkii 1958-kii. Xubnihii aas-aaska ka ahaa xisbigan waxay ahaayeen: Jaamac Muxumed, Cabdale Xaaji Faarax, Xaaji Ibraahin Nuur, Xaaji Cilmi Samatar iyo Xaaji Daahir Cilmi. Xubnahani waxay ka kala socdeen magaalooyinka Boorama iyo Laascaanood.
Khilaafkii xisbiga kala qaybiyay
Horaantii sannadkii 1959-kii ayuu khilaad xoogani ka dhexqarxay laba garab oo kala taageersanaa labadan fikradood:
· In xisbiga USP la balaadhiyo oo taageerayaal laga samaysto magaalooyinka waaweyn ee Hargaysa, Burco, Berbera iyo Ceerigaabo.
· Iyo koox taageersanayd inaan loo baahnayn is-balaadhin, ee lagu koobnaado magaalooyinka Boorma iyo Laascaanood.
Arrintaasi waxay keentay in loo kala jabo laba garab, taasoo keentay inay fikirka ku kala tagaan. Dhexdhexaadintii ayaa guuldaraystay. Aakhirkiina waxay u kala qaybsameen laba garab, inkastoo aanay laba xisbi u kala qaybsamin.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in journalism
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
xigasho:
Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed……………….. Cali Jaamac Qalinle
Taariikhda Maantu, waa siyaasadii shalay……… Maxamed Cabdi Ismaaciil (Diktoorka)
Geeddi-nololeedkii Yuusuf X. Adan………………….Foosiya Yuusuf .X Adan
La soco qaybaha dambe……………………………………….
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
DHEGAYSO: Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga Kulmiye Iyo Qorshihiisa Siyaasadeed Ee Xisbiga Kulmiye

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/Madaxweynaha.mp3"][/audio]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
“Ma jirto ballan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waanan sharaxanahay diyaarbaan u ahay cidkasta oo illa tartanta.”Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa: May,31,2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Khilaafka ragaadiyey Xishbiga Kulmiye, kaas oo Saamayn balaadhan ku yeeshay Xaaladda Guud ee Dalka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku Bilaabmay sidatan:
“Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada Somaliland gudo iyo debedba, waxaan jecelahay in aan wax ka idhaahdo labo shay oo inagu cusub, kuwaas oo ah:
A) Amaanka, iyo Qaraxyada inagu soo kordhay.
B) Khilaafka Xisbiga Kulmiye
Nabadgelyadu waa shay ku qaaliya umada reer Somaliland, waxay usoo
mareen dariiq dheer, waxaynu umad ahaan ku difaacnaa inagoo isku duuban, waxaynu feejigo u lahayn, oo iska illaali naynay, cadaw meel fog inooga yimaada, waxaase ayaan daro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxana uu intaas ku daray,
“Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.”
Madaxweynaha oo si gaar ah uga Hadlaya Khilaafka Kulmiye ayaa xusay in ay jireen Talaabooyin Badan oo xisbiga lagu turxaan Bixinayey, taasina inay Dhamaatay uu u haystay, waxana uu yidhi,
“Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga kulmiye dhexdiisa ah, waan kaxumahay manaan filayn wakhtigan, oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo siquruxbadan, waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka, Hogaankii Xisbiga iyadoo layslaqaatay in Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen. Hadiiba uu soobaxo is-fahmi-waa, waxay ahayd in si hoose loo dhameeyo, hogaanka xisbigu wadafadhiisto, Kaadirka xisbiga loo yeedho,Xildhibaanada la talogeliyo, hadiii taasi dhamayn waayaan xisbigu sharci buuleeyahay dalkuna sharci buu leeyahay. Buuq iyo qaylo toona looma baahnayn.”
Madaxweynaha ayaa meesha ka saaray jiritaanka wax heshiis hoose ah oo isaga iyo Muuse Biixi u dhexeeyey, waxana uu yidhi,
“Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxaa jirtay oo golaha dhexe soosaaray in aan gudoomiyaha kuwareejiyo marka aan kuguulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed”
Madaxweynaha ayaa cadeeyay in uu mar kale isu soo taagi doono Doorashada Madaxtinimada ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2015 “Waxaa Xisbigu ii doortay musharaxa madaxweynaha waanan kuguulaystay sharciguna wuxuu I siiyey labo jeer (two terms), waan sharaxanahay diyaarbaan u ahay cidkasta oo illa tartanta.
Waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kamaqabo.”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyay Golaha Guurtida oo dhexdhexaadin ka wada labada garab ee isku haya Khilaafka Xisbiga Kulmiye “Odayaasha Guurtida waa kumahadsanyihin dedaalka, qiimo wayna waan u hayaa, xaasha ma diidin mana diidikaro oo waxaan ahay ninkii 80 cod ay kaga kexeeyeen duco-qaado balse arintani waxay u baahantahay in xisbiga gudihiisa iyo sharcigiisa lagu daweeyo” ayuu yidhi
Himilo Media
DHEGAYSO: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ku Dhawaaqay In Garabkii Madaxweynuhu Aqbalay Ergadii Guurtida
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/ZOOM0034.mp3"][/audio]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Guddoomiyaha Guurtida Oo Ku Dhawaaqay In Garabka Madaxweynuhu Ku Qanceen Dib-u-dhigista Shirweynihii ay Berri U Ballansanaayeen

“waxanu idiinku yeedhnay inaanu idin gaadhsiino inaanu dhinacii madaxweynuhu hogaaminayey aanu is aragnay, Hawsha intii qabyada naga ahaydna ay noo dhamaystirantay oo ay aqbaleen shirkii berri qabsoomi lahaana inay dib u dhigtaan, Arrintiina Guurtida inay u dhiibaan oo ogolaansho iyo Niyadsami noogu dhiibeen isla-markaana ay aqbaleen inaanu arrinta gudo galno oo dhexdhexaadino, qoladii shalayna waw mahadnaqaynaa, waxa aynu wada Wadnaana waa Danta Qaranka.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiyaha ayaa shacabka Somaliland u soo jeediyey inay danahooda ilaashadaan oo aanay si dhib yar ugu dhex milmin muranka siyaasadda ee jira, waxana uu ugu baaqay inay Nabadda dhawraan.
Guddoomiyaha Guurtida iyo Xubnaha kale ee Dhexdhexaadinta ku Hawllan ayaa laga filayaa inay Maalmaha soo socda si rasmi ah u gudo galaan sidii ay xididdada ugu siibi lahaayeen Muranka kala dhaantalay waaxyaha Xisbiga Kulmiye oo Haatan Hoggaamiya Somaliland.
Himilo Media
DHEGAYSO: Go'aanka Gudiga Diwaangalinta Ururada Iyo Ansixinta Axsaabta Siyaasada Somaliland Ay Ka Soo Saareen Khilaafka Xisbiga Kulmiye
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/05/ZOOM0033.mp3"][/audio]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Guddiga Diwaangelinta Ururada Siyaasada Oo Soo Saaray Go’aamo Ka Dhan ah Garabka Muuse Biixi

Guddidda ayaa Maanta soo saartay Warsaxaafadeed u dhignaa Sidatan:
Ku: Hogaanka Xisbiga Kulmiye
Og: Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaran JSL
Og: Madaxweynaha J.S.L
Ujeeddoo: Cadayn
Anagoo tixraacayna Xeer No: 14 qoddobkiisa 25aad faqraddiisa 4aad iyo 5aad oo u dhigan sidan:
4-(shirweynaha xisbiga waxa lagu dooranayaa
b. xubnaha hogaanka Xisbiga iyo guddida fulinta
t. Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga
J. waxa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo Xeer hoosaadka Xisbiga)
5. (Liiska xubnaha guddida fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga iyo nuqul xeer hioosaadkooda ka mid ah waxa loo gudbinayaa xeer ilaalinta, komishanka Doorashooyinka iyo guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta qaranka muddo aan ka badnayn 30 maalmood shirweynaha kadib)
Anagoo tixraacayna qodobka 19aad ee distoorka Xisbiga Kulmiye xarafkiisa (x) faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan (marka laga reebo xubnaha golaha dhexe ku soo gelaya qaabka ku xusan qodobka 27aad soo xulista xubnaha golaha dhexe waxa magacyadooda ergada goboladdu ku soo ururinayaan xoghaynta shirweynaha).
Anagoo tixraacayna qod 25aad ee Xeer No:14 ee u dhigan sidan (guddida diiwaangelinta wuxuu awood u leeyahay in uu soo saaro xeer nidaamiye (reuglations) xeerka habdhaqanka (Code of Conduct) iyo awaamiir (directives) aan ka hor imanayn xeerkan.
Gudidu waxay halkan ku cadaynaysaa
1. In uu na soo gaadhay go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye ee qabsoomay 28-29/04/2014
Go’aamadaas oo ah
1. Go’aamadii shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye
2. Liiska hogaanka ee Xisbiga Kulmiye
3. Liiska Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye
4. Liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye
Go’aamadan oo ay saxeexeen shirgudoonka shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye.
2. In aan guddida haba yaraatee aanay soo gaadhin go’aamo, liisas kale iyo wax cabashooyin ahi.
3. Iyadoo guddidu xafiiska fadhiday illaa lixdii galabnimo 6:00pm ee 29/05/2014 taariikhdaas oo ay ku ekayd waqtigii uu Xeer No:14 qodobkiisa 25aad ee aynu soo sheegnay ku xadeeyey wakhtiga kama danbaysta ah ee lasoo gudbin karo go’aamada shirweynaha.
Sidaas darteed, waxay guddidu aqoonsatay inay go’aamadaas soo gaadhay ee ay ku saxeexan yihiin shirguddoonkii shirweynaha 3aad ee xisbiga Kulmiye yihiin kuwa sharciga ah.
Allaa Mahad Leh
Saxeexa Magacyada gudida:
1. C/risaaq Jaamac Cumar
2. Aadan Geedi Qayaad
3. Cumar Xassan Axmed
4. Xasan Axmed Ducaale
5. Cabdalle Ibraahim Maxamed
6. Maxamed Cabdi maalik
7. Ismaaciil C/laahi Cali
Himilo Media