Sunday, May 25, 2014

“Dawladda Somaliya waanu la fadhiisanay, geddana dib ula fadhiisan mayno ilaa aanu doorashada kasoo baxno”




“Anigu maalintaan Doonayo inaanu dagaalano Puntland, maba tageen Taleex, Laasqorayna ma tageene Garoowe ayuun baan tegi lahaa 12-saacadoodna naguma qaadanaysee sida Yuhuudda ayuun baanu Garowe fadhiisan lahayn” – Guddoomiyaha Xisbiga UCID


                         


London, 25 May, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay Somaliland wax wada-hadal ah dib ula furi doonin Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaaliya ilaa ay qabsoomaan Doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan sannadka dambe dabayaaqadiisa.


faysal cali waraabeGuddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u warramay qaar ka mid ah warbaabinta Soomaalida, waxa uu sheegay in maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya uu yahay meesha kaliya ee nidaam-maamul iyo kala dambayn ka jiro ee Somaliland arrimaheeda kala hadli karto, balse waxa uu dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay maamul awood-darro awgeed tahli kari waayey inuu wada-shaqayn la yeesho gobollada Koonfurta dalkaas ku yaala ee maamul-goboleedka laga sameeyey.


 “Dawladda Somalia waanu la fadhiisanay, gaddana dib ula fadhiisan mayno ilaa iyo aanu doorashada kasoo baxno, laba wax baa laga hadlay oo inaanu sidii lixdankii laba waddan u wada Hadalno way ka soo baxeen. In qolo kastaa waxeeda ay gaar u qaadatana way ka soo baxeen, arrimahaasina way fiican yihiin, laakiin iyagii  baan jirine yaanu kala shaqaynaa, cidda aanu  la shaqayn karna ee aanu xuduudda wada leenahay waa Puntland, Xasan-na Marka iyo Kismaayo ayaanu la shaqayn karayn, magaalada Muqdisho degmooyinkeeda ma tegi karo, makraasuu leeyahay waxan la hadlay Taleex,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waxaanu intaas raaciyey, “Annaga necbaansho Soomaaliyeed naguma jirto, laakiin waxanu  u aragnaa inaan dantayada iyo danta carruurtayadu ku jirin inaan mar dambe wax la wadaagno, fikraddii shanta soomaaliyeedna way burburtay,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.


Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay deegaamada Bariga Somaliland iyo faro-gelinta maamul-goboleedka Puntland ku hayo, taas oo uu ku tilmaamay jibbo-qabyaaladeed iyo cunsuriyad hayb ku dhisan sheegashada maamul-goboleedkaasi ku andacoodo qaybo ka mid ah gobollada Bariga Somaliland, waxaanu sheegay xuduudka Somaliland la mid yahay xadka dawladda Itoobiyo la wadaagto Somaliya.


Isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Ninka maanta yidhaahda Wardheer oo Majeerteen deggen yahay iyo Laascanood oo Dhulbahante Deggen yahay ayaan Garoowe keenayaa, anigu dhawr jeer baan ku idhi waar dhulka Sanaag iyo Sool ee la wada Deggen yahay Jubooyinka ma aha, dadkii ka kacsaday Maxamed Siyaad barre oo ka xoog weyn ayaa jooga.


Wax Cayn la yidhaahdaa ma jirtee Caynabaa jirta, reer Somaliland-na way isyaqaaniin ninkastana meeshiisa waa lagu ixtiraamaa, laakiin Maabka Afweyne samaystay lanagu xukumi maayo, marka reer Garowe, Wardheer kusoo darsado, Majeerteen baa dega oo way iska xigaan dhulbahante’e  ee uu xadkaa Ethiopia Beddelo ayuu xadka Somaliland-na Beddeli karaa.”


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay tallaabada milatari ee uu ka jawaab-celin lahaa faro-gelinta Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ku hayo Somaliland haddii uu gacanta ku hayn lahaa talada iyo hoggaanka dalka, waxaanu yidhi, “Anigu maalintaan Doonayo inaanu dagaalano Puntland, maba tageen Taleex, Laasqorayna ma tageene Garoowe ayuun baan tegi lahaa 12-saacadoodna naguma qaadanayso’e inaanay nagu qaadanayne sida Yuhuudda ayuun baanu Garowe fadhiisan lahayn.”


“Annagu ma nihin dad loo faanfaano oo loo Hanjabo waxbaanu iska celinaa, dadkana ma doon-doonano, taariikhdana waanu is naqaanaa Dawldanimaana nalagu dilay Berigii Somalia laakiin markay noqoto Reer-reer Nalaguma kaftamo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo u warramayey warbaahin laga leeyahay dalkaasi Soomaaliya.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


No comments:

Post a Comment