Hargeysa, 31 May, 2014 (Himilo)- Ururka Dhalinyaradda beesha Subeer Awal, ayaa munaasibad ballaadhan oo ay habeen hore ku qabteen Hotel Crown ee magaalada Hargeysa, waxa ay ku taageereen musharaxnimada madaxweynaha ee Muuse Biixi Cabdi ugu taagan yahay Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.
Boqolaal ka mid ah dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee beesha Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin musharaxnimada Muuse Biixi, isla markaana ay gaadhay wakhtigii ay dalka ka noqon lahaayeen madaxweyne.
Afhayeenka ururka dhalinyarada Subeer Awal Maxamuud Haaruun oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee kulanka isugu yimi ay si aqooni ku dheehantahay u soo bandhigayaan aragtidoodda iyo ahmiyada weyn ee ay u hayaan xisbiga kulmiye, isla markaana ay tixgelinayaan ilaalinta nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka oo uu sheegay inaanay jirin cid ka jecel ilaalinteeda, balse ay si akhlaaq iyo aqooni ku dheehan tahay u gudbinayaan farriintoodda.
Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada beesha Subeer Awal Cabdiraxmaan Xasan Aadan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inaanay jirin cid ka dambaysa oo soo abaabushay kulanka dhalinyaradu isugu timi, balse iyaga oo kaashanayana garaadkooda iyo dareenkooda ay si madax-bannaan u soo bandhigayaan taageerada ay u hayaan murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay inay madaxweynaha iyo umadda Somaliland ku war-gelinayaan inay si aan kala hadh-lahayn u garab-taagan yihiin guddoomiya Xisbiga Kulmiye.
Guddoomiye ku-xigeenka Ururka dhalinyarada Subeer Awal, Cabdirashiid Maxamed Aadan oo isaguna munaasibaddaas ka hadlay, ayaa muujiyey sida ay dhalinyarada beeshu u taageersan yihiin murashaxnimada Muuse Biixi, isla markaana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Xoghayaha Ururka dhalinyarada Subeer Awal, ayaa sheegay afartii sanadood ee u dambeeyey ee madaxweyne taladda dalka hayey uu khilaafka kulmiye jiray, isla markaana cadeeyey in Cabdikariin Xinif oo taageersan garabka madaxweynaha uu sheegay in aanu xeerkan 14 ee KULMIYE marna awood siin gudoomiyaha xisbiga, haseyeeshee wuxuu sheegay in aanu Xinif aqoon ka tahay garasho la’aanta xeerkaasi waxa uu ka hadlayo, waxaanu sheegay in xeerka 14 ka hadlayo awoodda gudoomiyaha, isagoo shirgudoonkii shirka loo doortayna tilmaamay inay yihiin kuwo ka leexday shaqaddii loo igmaday.
“Horta khilaafkan kulmye afartii sanadood ee u dambeeyey wuu jiray khilaafka kulmiye oo wuxuu ka bilaabmay maalintii laga tallogalin waayey xukuumadda iyo xulisteedii, waxa jira inaad ku wareerteen shirgudoonkii shirka lagu doortay waxay shaqadeedu ahayd inay isku soo ururiyaan codadkii iyo xubnhii golaha dhexe si ay gudoomiyaha ugu soo gudbiyaan balse dhinac kale ayey la mareen, waxa dhowaan ka hadlay Xinif oo sheegay in qodobka 14 uu ku arki waayey awoodda gudoomiyaha, haseyeshee muu arki waayin ee wuu garan waayey oo aqoon bay ka ahayd ee waxaan u sheegayaa in qodob 14 ka hadlayo awoodda gudoomiyaha”ayuu yidhi Xoghayaha ururka Subeer Awal Cabdikariim.
Faysal Maxamed Madar (Faysal Qumuj) ayaa sheegay in madaxweynaha sida uu doono ha u arkee ay tahay markoodii, isla markaana beesha subeer Awal kula heshiiyey inay shanta dambe isku soo sharaxan.
“Anagu ma nihin dad lagu guuri karo ee waxaanu nahay dad wax ku guuura, qolada kula joogta hadii ay been ku sheegeen maanta anaga runta ku sheegayna oo kugu celinayna ee maanta waa markayagii cidii doonta ha ka xanaaqdo, madaxweynaha waa inay beeshiiisu qabata oo runta u sheegna, anagu cid ma caayeyno cidna ma af lagaadaynayno laakiin waxaanu u sheegaynaa uun in aanu maanta maalintayaddii tahay”ayuu yidhi Faysal Qumuj.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay dhalinyaro iyo aqoonyahan ay ka mid ahaayeen Ayaan Muuse Ismaaciil, Cabdirisaaq Xasan Rakuub iyo dhalinyaro badan, kuwaas oo cadeeyey inay mawqifkoodu yahay inay taageeraan musharaxa madaxweyne ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi, waxaanay sheegeen inay xisbiga kulmiye cidna uga cadhoodhayn ee ay hanti badan iyo dhiig badan ka qabo oo wakhtigii ay madaxweyne Siilaanyo taageerayaan dhalinyaro badan oo beeshani u godgashay, sidoo kale waxa ay tilmaameen in wasiirada ku garab roorayaa ay yihiin kuwii beelahooda kalsooni ka haysan ee wakhtigii doorashaddii baarlamaanka ku dhacay.
Munaasibadan oo dhalinyaro tiro badan kulmisay, ayaa si habsami ah ku soo gabogabowday, waxaana dhalinyaradaas sida ay u hadleen iyo nabadgalyada ay munaasibaddaasi ugu qabsoontay ku hambalyeeyey mulkiilaha hotelka Crown, Cismaan Hindi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment