
Guddoomiyihii Guddidaas Shirweynaha Maamulaysa, ahna Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ugu horrayn Halkaas ka Hadlay, ayaa yidhi,“Waa naga Reeban tahay inaanu Yoo-yootanno oo caytanno, xaasha Dhexdayada waliba intii isu dhaaratay ee kitaabka gacanta saartay ee isku xisbiga ah way ka reeban tahay wax ay ku dhamaysan karaan wada Hadal iyo wax is weydiin inay Bannaanka u soo saaraan oo ay aflegaaddo iyo cay la is dhaafsadaa, ciddii noocaas jeclyadna saaka heli mayso wax ay kiishka ka buuxsato.”
Axmed Xaaji Cali Caddami, waxa uu faahfaahiyey Awoodda sharci ee ay leedahay Guddida uu ka midka yahay ee lagu doortay Shirweynihii dhawaa ee Xisbigaasi Hargeysa ku qabsaday, waxana uu yidhi,
“Guddi loo doortay SHirguddoon awoodda ay leedahay oo aanan Barakynini waxay ku kooban tahay wax alla wixii shirweynaha ka soo baxay oo Go’aamo ah inay Habayso oo qoraal ku soo gudbiso, dabadeedna cidda ay khusayso oo uu kaw ka yahay Xisbiga iyo madaxtiisu inay farta ka saarto Xisbiga, Waxa Labaad ee aanu Qabanaynay waxay ahayd ururinta liistooyinkii ergooyinka SHirku soo gudbiyeen oo Hab degaan lagu soo gudbiye, taasina kuma ay dhammaanaynin laba cisho iyo Labaatan cisho toonna, Arrin cusub oo aanu talada aanu bixinay ku darnay inn mustaqbalka laga ilaaliyo in wax lagu bixiyo Hab xisbinimo ah, wareerkii aanu tan ka qaadnay baana kallifay in wakhtigu dheeraado.”
Waxa uu wasiir Cadami tilmaamay inaanay marnaba ku tallaabsan wax ka baxan wixii sharcigu u ogolaa, isla-markaana uu Hoggaanka Xisbigu la ogaa Dhaqdhaqaaqyadii ay wadeen muddadii ay Hawsha ku jireen,
“Hoggaanka Xisbiga ayaa nala joogay oo ogaa inaanu Hawshaas wadno oo ogaa inaanu umaddii kala fasaxno oo aan dadku u wada Rahbanaanin shirkii baa wali socda ee naloo igmaday inaanu wixii habkaas ku saabsan soo dhamaystirno, wax kale oo awood ah oo aanu ku darsanay intaa waajibka nagu ahayd ma jirto, waxanu ku dedaashay in markaanu dhamaystirnay inaanu ciddii ay khusaysay oo Xisbiga ah la Socod siino.” Ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Waxa uu wasiirku nasiib darro ku tilmaamay in hawl fiican oo ay qabteen lagaga fal celiyo aflegaaddo, waxana uu yidhi,
“waa ognahay inaan Abaalgud badan la isa siin, waa ognahay inaan duco badan la is tarin , laakiin ma malaysanayn in dhaxalkayaga iyo Abaal-gudkayagu in madaxdii xisbiga oo aanu hawsha si wada jir ah uga wada shaqaynaynay in naloogu Abaal gudo Wannifaad iyo cay waana Nasiib darro, wax raddi-ficil ah oo aan Hadda ka celinaynaana ma jiraa.”
Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Cawaale, isla-markaana ah xubin ka mid ah Guddidii shirweynaha Xisbiga Gacanta ku Haysay, ayaa isaguna sheegay inay Guteen Waajib saarnaa, isagoo intaas ku daray inay natiijadii ka soo Baxday Hawshii ay qabteen oo ay kamid tahay Golihii dhexe ee Xisbiga iyo Guddidii fulinta ay u gudbiyeen Xisbiga, taasina ay waajib ku ahayd.
Xubno kale oo ka mid ahaa Guddidaas oo Halkaas ka Hadlay ayaa dhammaantood tilmaamay inaay hilmaameen wixii awoodda ay u lahaayeen, waxana ayb ku adkaysteen inay sidii Haboonayd u qabteen Hawshii loo xil-saaray.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment