
Ahmed Diini oo haysta dhalashadda dalka Holland ayaa dhawaan la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Ankara, kadib, markii uu dalka Turkiga ku xidhnaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Hay’adaha FBI-da iyo CIA-da ayaa hore uga codsatay Dowladda Turkiga inay soo wareejiyaan Muwaadinkaasi oo ay ku eedeynayaan inuu gacan-saar la leeyahay Xarakadda Alshabaab oo ku jirta Liiska ay Maraykanka ugu yeedhaan Kooxaha Argagixisadda.
Dhinaca kale, Garyaqaanka Axmed Diini oo lagu magacaabo Andre Seebregts ayaa dadaal u galay sidii ay Maxkamadaha Turkiga u go’aamiyaan inuu Axmed Diini yahay qof aan dembi lahayn, isla markaana dib ugu laaban kara dalka Holland.
Garsooruhu waxa uu tilmaamay inuu sharci-darro yahay xadhiga Axmed Diini, wuxuuna aad uga dooday qorshaha loogu gacan-gelin lahaa Maraykanka.
Axmed Diini oo uu awoowe u yahay Madaxweynihii hore ee Somalia, Jeneral Maxamed Siyaad Barre, waxa uu ku soo barbaaray dalka Holland, laakiin dhowr sanno ka hor ayuu u soo guuray dalka Masar.
Muddo 8 bilood ayuu ku xidhnaa dalka Masar, ka hor intaan la sii daynin bishii March ee la soo dhafay, laakiin waxaa mar kale lagu qabtay dalka Turkiga, xilli uu Taransit ku ahaa, kuna sii jeeday dalka Holland.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment