
“Xisbiga wax aka mid ahaa raggii tacabta gashaday in ururnimo loogu dhawaaqo arjiga lixdii ugu horreeyey eek u saxeexnaa ayaan ka mid ahaa, ilaa intaan xisbiga hawlo ayaanu ka Haynay, tacabka aanu Gelinayna way yartahay cid gelisay, markaa wax na qabta ma aha ama aanu geyno in nalagu tilmaamo inaanu xisbigaas carqaladaynayno” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxa uu Dhibaatada xisbiga Haysata si dadban ugu eedeeyey Hoggaanka Xisbiga, waxana uu sheegay inay Doonayaan inay si gaar ah u urursadaan Xubno iyaga u dhego nugul, isagoo ku adkaystay inay Qaadayaan Tallaabooyin ay kaga Hortegayaan in xisbigu uu noqdo meel Hoggaanka oo kaliya loogu sacabo tumo, waxana uu yidhi
“Haddii ay cidi ka doonayso inay ku urursato cid durbaanka u tunta suuurtobi mayso, ta laga didayaa waxa weeye inaanu is hortaagno inay cidi ka dhigato xisbiga Gole Sacab. hadday taa tahay dayn mayno waana ku wadnaa waana qaadnay Tallaabooyin caynkaas ah xaqna waanu u leenahay inaau qaadno, haddii ay xisbiga cidi carqaladaynaysana waa ciddii markii horena tartanka ka diiday in lagu tartamo ee tidhi halla iga hadho oo halla ii caleemo saaro ee Geed gaaban iyo geed dheerba iskugu taagto inay kolna qabiil kiciso, kolna xisbiga kiciso kolna madaxweynaha ku oroddo, kolkay tii dhacdayna in cay iyo Aflegaaddo ay noqoto waxa laga dheefaa runtii waa Nasiib darro.”
Wasiir Xuseen Axmed Caydiid ayaa ah wasiirrada uu muranka Badani ka dhexeeyo Hoggaanka Xisbiga, waxana uu si buuxda u taageersan yahay Go’aamadii muranka dhaliyey ee ay soo saareen Guddidii Shirweynaha Xisbigu.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment