Friday, May 30, 2014

“Kuwa wax doonaya ee aad u dagaalamaysaa iyo kuwa jooga ee aad u dagaalamaysaan ee Gudihiina aad iskaga Haysaan Labaduba way joogeen.” Aadan Siiro

Hargeysa:May,30,2014(Himilo)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro) oo ka mid ah Culimada Waaweyn ee  Somaliland, ayaa ka Hadlay Siyaasadaha cakiran ee ay sababeen khilaafka Xisbiga kulmiye oo maalmahan dambe Somaliland dhacdooyin cusub ku soo kordhiyey.

aadan siiro Sheekha ayaa  Nidaamka wax u socdaan, isagoo tilmaamay in cidda loo socdo ee la isku Haystaa ay yihiin dadka jilicdasan ee Halganka kula jira Noloshooda iyo mida qoysaskooda.

“Imika waxa la isku haystaa Islaantaa Tamaandhada iibinaysa  ee lee-leeshay ee tobanka caruur ah Haysata ee Kabna Lulaysa kabna laa-laadinaysa, Sanad waxyar la’ ayaa biriishkii state Houska looga gudbayey oo intaas oo kun oo qoys ay deggen yihiin uu Go’an yahay” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

 

Sheekh Aadan Siiro, ayaa shacabka reer Somaliland ee Arrimaha kulmiye ku mashquulsan si cad u hogo-tusaaleeyey, waxana uu sheegay in cidda ay u dagaalamayaan iyo cidda ay ka dagaalamayaanba aanay diyaar u ahayn inay horumar sameeyeen, waxana uu yidhi,

“Kuwa maanta   wax doonaya ee aad u dagaalamaysaa, kuwa Maanta jooga ee aad u dagaalamaysaan ee Gudihiina aad iskaga Haysaan Labaduba way joogeen Horena way u jeegeen imikana way joogaan.”

Sheekha ayaa  si guud uu soo jeediyey in la iska dhaafo taariikho  soo jireen ahaa oo uu sheegay in masaxaadooda lagu Hawllan yahay, waxana uu isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,

 

“Waar ka daaya dadka Magacyada, qabaa’ilka waar ka daaya dadka dadka danaha leh, Taariikhda Umadda oo Dhan imika magaalada wax aka socda waad yaabaysaa dad cusub baa la samaynayaa, magacyo cusub baa la samaynayaa, umaddo cusub baa la samaynayaa magacyo Cusub baa la samaynayaa, Taariikhdii umaddu ay lahayd baa wax laga beddelayaa, culimo aan jirin baa magacyo loo samaynayaa.”

 

Sheekh Aadan Siiro ayaa dhinacyada isku Haya Arrimaha Kulmiye u soo jeediyey inay tudhaale u yeeshaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay nabadda il gaar ah u yeeshaan.

 

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment