Saturday, May 31, 2014

Wasiirka Daakhiliga iyoTaliyaha Booliska oo Sababeeyey Dambiga loo haysto iyo Hawl-galki Saqda dhexe lagu Qaaday Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga




Hargeysa, 31 May, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay hawl-gal ciidamada RRU-du habeen hore ku qaadeen guriga uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor oo lagu eedeeyey inuu falal nabad-gelyada wax u dhimaya ku kacay.


Ciidamada RRU-da ayaa habeen hore weerar ku qaaday Guriga uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay Cabdilaahi Cismaan Abokor, waxaana halkaas iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada ammaanka iyo rag hubaysan oo ku jiray guriga wasiirka, waxaana halkaas ku dhaawacmay mid ka mid ah raggaas, halka wasiir ku-xigeenka iyo raggii la socday ay ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen.


Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu halkaas ku soo bandhigay hub kala duwan oo ay ku soo qabteen Guriga uu deggen yahay Wasiir ku-xigeenkii ee amniga, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Aniga oo aad iyo aad uga xun wasiir ku xigeenaygii dhinac amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo aanu muda wada Shaqaynayn, waxaanan la yaabanay sidan xun ee ay waxa uga dhaceen, kaas oo ku kacay runtii arimo khal-khal galin kara nabadgaliyada iyo sumcada qaranka Somaliland oo aynu wada ognahay halka aynu maanta ka taaganahay horumarka iyo wanaaga, Waxaana Nasiib-daro ah inuu ku hadlo,Hadalo tashuush galin kara shacabka reer Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo intaas ku daray, “Waxaanu markaas damacnay inaanu wax ka waydiino waxaas uu baahiyay ee uu wasiirrada dalka ku tilmaamay qaarkood, waa uu diiday hasayeshee markii la is-yidhi waxa ka qorana waxa uu kala horyimid ciidanka iska caabin hubaysan oo uu naftiisa iyo tan ciidanbka khatar ku galiyay, laakiin waxa aynu nahay qaran waxaana aynu leenahay sharci, qof sharciga ka waynina majiro, wixii isku daya inuu khatar galiyo amniga, sharciga ayaa qabanaya. Kollay xalay intaas ayaa dhacday ragii kale ee hadhayna waanu ku dabo jirnaa,waxaanan jecelnahay inaanu Gacanta kusoo dhigno wixii amniga dhib ku haya,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.


Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa kawarramay sababta keentay weerarka xilliga habeenimada ah ee lagu qaaday guriga Wasiir ku-xigeenkii hore, waxaana hadalladiisa ka mid aha, “Wasiir ku-xigeenkii hore Arrimaha Gudaha dhinaca Amniga shalay (dorraad) waxaanu u dirnay saraakiil sare si wax looga weydiiyo arrimihii uu Joornaalka ku qoray, wuxuu yidhi Maansoor iigu yimaadda, waa loogu tagay, wuu la soo ballamay, wuu iman waayey. Intaa ka dib, Ciidanka boolisku wuxuu xog ku helay in rag hubaysan ay joogaan guriga, sidaas ayaa ciidanka boolisku iyaga oo waajibkooda qaran fulinaya, ayay hawl-galkaas galeen, waxaanay gacan ku dhigeen wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga iyo saddex nin oo kale iyo qoryihii ay siteen.”


Dhinac kale, taliyaha Ciidanka Booliska oo HCTV weydiiyey sababta ay ciidamada weerarka ugu qaadeen gurigii xilliga habeen-nimo ee argagaxa loogu abuuray dadweynaha, waxa uu ku jawaabay, “Qodobka 58aad ee Xeer habka Ciqaabtu wuxuu dhigayaa, goob kasta oo lagu sheego cid dambi abaabulan wadda ama cid hubaysan oo falal ammaan-darro wadda, ciidanka boolisku way qabanayaan, sharcigaana u fasaxaya.”


Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, waxa uu fasiraad ka bixiyey dambiga loo haysto Wasiirkii hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaanu yidhi, “Falalkaas uu joornaalada ku baahiyey ee loogu yeedhayey ee uu ka dhego-adaygay iyo falkan kale ee ah inuu hub urursado, rag hubaysan uu kaxaysto oo uu guriga dhigto, isla markaana uu cidanka booliska kala hor yimi rasaasta qoryaha culus ee boobayaasha ah. Waxyaalahaas baa lagu eedaynayaa, taas oo ah khal-khal gelin nabad-gelyada guud ah.”


Dhinaca kale, Xaaska Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga ee wasaaradda daakhiliga Somaliland Marwo Sacdiya Maxamed Cali ayaa ka warrantay qaabka uu u dhacay hawl-galka ciidamadu ka fuliyeen gurigeeda, waxaanay sheegtay in ciidamada RRU-da oo afka duuban ay guriga kala baxeen iyada oo waliba intii aanay gudaha soo galin mudo laba saacadood ku dhaw rasaas nool dhinac walba guriga lagala dhacay, sida ay sheegtay, isla markaana uu ku dhaawacmay nin ka mid ah ilaaladiisa oo magaciisa la yidhaahdo Saleebaan Dakhare.


Waxa ay sheegtay inay ciidamadu tacaddiyo iyo garaacis u geystaan qaar ka mid ah carruurteeda oo aad u da’ yar-yar ay jug iyo dhaawacyo gaadhsiiyeen. “Shan carruur ah ayaan haystaa oo ka ugu wayni yahay sagaal jir ka ugu yarin sagaal bilood oo dhawdhaw yahay, imika caruurtii way wada xanuunsanaysaa oo shook ayaa wada haysta oo qaarbaa indhaha aan kala qaadi karin, waxaana waxyeeshay suntii dadka kaga ilmaysiisa ayaa guriga naloogu soo dhex tuuray oo xalay oo dhan beerka ayaanu dhulka ku haynay, aniga qori dabadii ayaa nalay la dhacay oo caruurta qori dabadii ayaa lala dhacay oo markii aan ka qabo is idhi ana dhawr askari ayaa igu tuntay oo feedhaha ayaan wax ka qabaa,” ayey tidhi Sacdiya Maxamed Cali.


Si kastaba ahaatee, dhacdadan, ayaa noqonaysaa markii u horreysay Somaliland dhacdo noocan ah xabsiga loo taxaabo masuul bil ka hor ka tirsanaa golaha Wasiirrada Xukuumadda isla markaana dagaal iyo iska caabbin la gala ciidamo isaga ka amar-qaadan jiray ka ho intii aan xilka laga qaadin 3-dii Bishan May.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment