
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Labada Qof ee Dhaawacantay midkood uu yahay Askari katirsan Ciidanka Booliska Magaalada Mombassa, waxa uuna Xilliga Qaraxa ku sugnaa agagaarka goobta uu Qaraxa ka dhacay.
Qaraxyadan ayaa waxa ay kusoo beegmayaan Xilli dhawanahan ay Qaraxyo farabadnaa ka dhacayeen Magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa, iyadoona ay weli isu hanjabayaan Dowlada Kenya iyo Xoogaga Alshabaab ee iyagu sheeganaya Qaraxyadaasi.
Hoggaanka Sare ee kooxda Al-shabaab ayaa shalay ku dhawaaqay inay dagaaladii ay Somalia dhexdeeda ka wadeen u weeciyeen dhinaca Kenya oo ay ku eedeeyeen inay faraha kula jirto arrimaha Somalia.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment