Saturday, May 24, 2014

Maraykanka Oo Hakad Geliyey $3.5 million Oo Ay Siin Jireen Dalka Thailand

Washington:May,24,2014(Himilo)-Dawlada Waddaka  Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay hakad galisay taageeradii ay siin jirtay dawlada Thailand wax yar kadib markii talada wadankaasi uu militarygu la wareegay.

tailaWar kasoo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumada Washington ay joojisay taageero ay siin jirtay dawlada Thailand oo cadadkeedu dhamaa 3.5 million oo Dollar.

 

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in dawladiisu ay militariga wadankaasi u jeedinayso inay xukunka dalka u gacan galiyaan maamul rayid ah lana joojiyo afgambiga.

 

Militariga wadankaasi ayaa sheegay inay talada wadanka la wareegeen kadib markii uu dalku galay Khalkhal siyaasadeed waxaana taliyaha ciidamada dalkaasi Prayuth Chan-ocha uu ku dhawaaqay inuu isagu dalka Ra’isal wasaare ka yahay.

Arrintan ayaa saamayn dhaqaale ku yeelan doonta Waddanka Thailand, walina lama arko wax tanaasul ah oo militariga dalkaasi qabsaday ka soo jeeda.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment