Friday, May 30, 2014

Wasiir Waran-cadde Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Hargeysa ku soo Noqnoqonayey, Faahfaahinna ka Bixiyey Xadhiga Wasiir-ku-xigeenkiisii hore ee Amniga

 

Hargeysa:May,30,2014(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa faahfaahin ka Bixiyey Qaraxyo khafiif ahaa oo habeen hore iyo Xalay ka dhacay Magaalada  Hargeysa.

waranka cad Wasiir Waran-cadde oo maanta saxaafadda la Hadlayey, ayaa qaraxyadaas ku tilmaamay qaar loola jeeday in lagu khalhal geliyo Ammaanka, waxana sheegay inay ka ahaayeen shaani  goobo gaar ah la dhigay.

 

Waxa kale oo uu wasiirku xusay inay 5-qof arrimahaas u soo qabqabteen, isla-markaana ay wadaan Baadhitaano ay ku raadinayaan xubno kale oo  arrimahan looga shakisan yahay.

 

 

Wasiir Cali ayaa ku adkaystay inay Gacan Bir ah ku qaban doonaa cid kasta oo khalkhalinta ammaanka ku hawllan, isla-markaana aanay cidna uga Haybadaysanayn inay Abaalkeeda mariyaan.

 

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in Qaraxyadani ay billaabmeen tan iyo intii uu billaamay Khilaafka Xisbiga Kulmiye waxaanu wasiirku si cad uu sheegay in dad waaweyn oo masuuliyiin ahi ay dalka khalkhal galinayaan isaga oo sheegay in aanay u dulqaadanayn cidii falkaasi ka danbeysay, balse ma ay jirin cid uu si cad u carrabaabay oo uu sheegay inay Qaraxyadaas ka dambeeyaan.

 

Wasiir warancade waxa kale oo uu sheegay in Wasiir-ku-xigeenkii  hore  ee Amniga Cabdilaahi Abokor ay ku soo qabteen Gurrigiisa Hub isku jira Bkm-yo, AK-47 iyo Bastoolado, waxaanu wasiirku sheegay in markii ciidanka boolisku gurriga ay tageen ay iska caaabin ay la kulmeen, isla-markaana uu halkaas ka dhashay Khasaare Nafeed.

Wasiirka ayaa Xadhiga Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga ku macneeyey mid lagu baadhayo Hadallo dhawaan ka soo yeedhay, balse waxa uu ka gaabsaday inuu sheego waxa ay Hadalladaasi ahaayeen.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment