Wednesday, May 28, 2014

Muwadiniinta Maraykanka ah ee Liibiya Ku Sugan Oo La Amray Inay Halkaas Iskaga Baxaan

Tripoli:May,28,2014(Himilo)-War kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu faray dadka Maraykanka u dhashay inay deg deg uga baxaan dalka Libya.

ameeeeWaaxda arrimaha dibbadda Maraykanka waxa ay sheegtay in Libya ay kasoo socoto halis amaan oo ka dhan ah dadka Maraykanka ah, waxaana loogu baaqay dadka American,ka ah inaanay aadin wadankaas.

Xaaladda amaan ee dalka Libya ayuu Maraykanku sheegay inay sii xumaanayso oo ay ka jirto dhibaato amaanka muwaadiniintiisa ka dhan ah ay ka jirto.

 

Dadka Maraykanka ah ee Libya jooga ayaa loo jeediyay inay deg deg u tagaan safaaradda Tripoli ugu taala Maraykanka deg degna ay dalkaasi uga baxaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment