
Mudane Xaabsade u warramay Wariye Madax Bannaan ayaa si cad u sheegay in xukuumaddu ay si gaar ah u wadato Tallaab kasta oo ay ka qaadayso Gobolka Sool, isagoo si gaar ah Carrabka ugu dhuftay Tallaabooyinkii ay Ciidanka qaranka ku galeen Deegaanada Saax-dheer iyo Taleex,
“Aad iyo aad waxaanu uga xunahay inaan talada dadkayaga waxba lanaga weydiin haddaanu nahay ragga jooga Somaliland ee madaxda ah, shalay waxa la weeraray Taleex, maantana waxa la weeraray Saax-dheer, intaana waxayaga meesha jooga nin qudha oo wax ka og oo wax laga weydiiyay oo laga tallo geliyay ma jiro, waxaanu umadda u sheegaynaa inaanu arrintaa aad iyo aad uga xunahay, waxaanu leenahay tani waxay keenaysaa sidii lagu kala tagi lahaa, waxa kale oo aanu leenahay dalka waa la wada leeyahay, lama kala laha, waxa muuqata inaan talada Dhulbahanate ee halkan jooga aanay talada dalka waxba ku lahayn, markaas taasi waxay noo keenaysaa sidii loo kala tagi lahaa oo loo kala dhaqaaqi lahaa, taasna aad iyo aad baanu uga xunahay, waanan ka tashanaynaa waxayaga halkan joogaa.”ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.
Xaabsade ayaa wax laga qoomamoodo ku tilmaamay in isaga oo gacantiisa ku keenay Gobolka Sool haddana maanta taladiisa lala dhaafo, waxana uu yidhi,
“khaas ahaan anigoo keenay gobalka Sool oo Somaliland ku soo daray, nasiib darro ayay noqotay inaan maanta waxba layga weydiin gobalka Sool, aad iyo aadna waan uga xumahay waanan qoomamaynayaa, khaladkaygana waan qaadanayaa.”
Waxauu xusay inay ilaawi doonaan Ixtiraamka ay u hayaan Xuduudaha Somaliland ee Haatan jira, isagoo sababaynayana waxa uu yidhi,
“Waxa ka mid ah inaanu dhulkayagii la tallo noqono, mar haddii Isaaq tixgelin waayay soohdiintii heshiiskii ay Somali isugu tagtay ee ay mid ku samaysatay, dee anaguna tixgelin mayno tii Ingiriis nagu qasbay ee uu na qabsaday ee uu sameeyay, taladayadana dib baanu ula noqonaynaa.”
Axmed Cabdi xaabsade oo ka mid ahaa siyaasiyiintii reer Sool ee Somaliland Cimrigooda ku qaatay, ayaa Haatan iska sidii Awr Garbo-beelay oo kale, kaas oo markii la manaafacaadsaday aan waxba la weydiihin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment