Sunday, May 25, 2014

Maxamed Kaahin Oo Mar kale Deedafafeeyey Go’aamadii Lagu Shaaciyey Golaha Dhexe iyo Guddida Fuinta ee Xisbiga, Shaacana ka Qaaday Sababtii Loo Caydhiyey Wasiirkii Ganacsiga

Hargeya:May,25,2014(Himilo)-Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ayaa mar kale ku celiyey in awooddii Guddidii Guddoominaysay Shirweynihii saddexaad ee Kulmiye ay dhamaatay  isla-goortii uu Shirkaasi dhamaaday, isla-markaana aanay wax awood sharci ah u lahayn inay natiijooyin dambe soo saaraan.

Maxamed-Kaahin-300x300Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo Maanta saxaafadda kula hadlay Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in sababta ay macluumaadkii shirweynaha  kasoo baxday ay ugu daahiyeen Gacanta Guddida Gacanta ku haysay ay ahayd kalsooni ay xilligaas ku qabeen, isla-markaana aanay marnaba filaynin in arrintu sidaas u dhici doonto.

 

 

Waxa uu beeniyey  Guddida Fulinta ee xisbiga lagu ansaxiyey Shirweynaha Dhamaaday sida ay sheegeen Guddidadaas Arrinta Gacanta ku  haysay, waxana uu saxaafadda hor keenay xubno ka mid ahaa Raggii hore ugu jiri jirey Guddida Fulinta oo aan Magaciisu ku jirin xubnaha Fulinta ee ay sheegeen in Shirweynaha xisbigu ansaxiyey.

Maxamed Kaahin waxa tilmaamay in xisbiga Kulmiye  sharcigiisa ku yahay Xisbi, isla-markaana aan loo dulqaadan Karin sharci jabinta ay Xubnaha Shirweynaha Kulmiye Gacanta ku hayey.

 

Waxa uu mar kale burburka xisbiga ku eedeeyey xubno Wasiirro ah, waxana uu faahfaahin ka bixiyey Sababta Xilka Looga Qaaday Wasiir Maxamed Cabdilaahi oo Garabkooda ahaa,

“Sharciga  xisbiga marka la khilaafo ee la tuuro oo wax suuq madow ah ay iyagu keenaan ama aanu annagu keeno xisbiga kulmiye waa la burburinayaa annaguna Burburin maynee Xubnaha  Wasiirrada ah ee Madaxtooyada ku jira ayaa Burburinaya,  Habeen Horaa Madaxtooyada la iskugu yimi Guddidiina waa tii kala dhantaalnayn Wasiirkii hore ee Ganacsiga oo saaka la eryey waxa loogu yeedhay inuu shirkii shalay ka hadlo, waxana uu yidhi madaxweyne  kii horena waa la iga Qarsaday kanna maanta ka qayb geli maayo, laakiin wasiir Fadhiya ayaa ku yidhi waa Dagaal oo waa la dagaalamayaa Maxamed Cabdilaahiyowe Labada Dhinac mid uun raac ama Annaga na raac ama qoladan askarta ah ee la eryaayo raac ee Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, sababtaasaana saaka loo eryey.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahi.

 

Waxa sheegay in garabka kale ay wadaan Fadhiyo ay Gole dhexe  lagu samaynayo, isla-markaana lagu dooranayo Guddoomiye iyo ku-xigeen, Laguna Abuurayo Guddi fulineed, balse taas waxa uu ku tilmaamay sharci darro, waxana uu yidhi, “imika Saaxiibadayo waxay kiraysteen Hudheel, waxana la leeyahay Golaha dhexe ayeynu fadhiisinaynaa, waxa lagu eryayaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka, waxa lla magacaabayaa dabadeena Guddida Fulina, balse Xeerka Xisbiga Guddoomiyuhu isagaa ah Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Isagaa ah ninka isugu yeedhaya Golaha Dhexe, Marka uu Golaha Dhexe fadhiisto ee uu Guddoomiyuhu xaqiijiyo liiska waxa uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqayaa inay Doortaan Guddoomiyaha Golaha dhexe, Guddoomiye-kuxigeenka Golaha Dhexe iyo Xoghayaha Golaha dhexe, Hudheellada la kiraysanayaa waxa ay kow ka yihiin burburinta Xisbiga Kulmiye, Go’aamadaasna annaga naloogama yeedhin meelbaana aanu ka taaganahay,”

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu farriin cad u diray madaxweynaha Somaliland, waxana uu yidhi, “Madaxweyne Dhibaatada ku Haysaa iyo dagaalka xisbiga kulmiye ee jiraa  ee wasiirradaadu ay kaw ka yihiin aniga iyo Muuse Biixi haddii ay yihiin inaan xisbiga kulmiye loo Burburin,”

Waxa uu ugu dambayntii sheegay maxamed Kaahin inaanay aqbalaynin in cid kale ku dulmaamusho Arrimaha Xisbiga, isla-markaana aanay Cidna ka  aqbalaynin Gardarro.

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment