Arrintan oo Ingiriisku ka lahaa ajande qarsoon oo uu Itoobiya 1944-kii heshiis aan si cad u qeexnayn la galay, ayaa waxa uu markiiba abuuray dareen weyn oo ummaddii Soomaaliyeed shaki aad u weyn gelisay.
Shakigaa oo dhammaan dhulkii Soomaliyeed ku baahay, gaar ahaan dhulkii Reserve Area and Hawd ee maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland, ayaa waxa abuurmay xiisado iyo qiirrooyin xooggan oo lagaga hortegayey in arrintan rumowday in Ingiriisku aagagan Itoobiya ku wareejiyo aakhirka.
Afartii quwadood ee dagaalka ku soo guulaystay ee isu xil saaray dib u habaynta siyaasadeed ee caalamka ayaa waxay isugu soo ururtay in dal kasta wuxuu dacwo qabo isbeddelaan, dacwadaahaas oo ka dhashay dagaalkii labaad ee adduunka, kana yimi dalalka amma qoomiyahadaha dhulku khuseeyo, ay xarunta afartan dawladood ee xooggan oo ahayd Paris la wada xidhiidhaan.
Koonfurta Soomaaliya oo iyadu ku hawlanayd sidii aan Talyaaniga loogu soo celin lahayn oo marka ay horyaalaan in ay kala doortaan in dawlad kale loo dhiibo iy in ay hoos tagaan Qaramada Midoobay- ka siyaasad ahaan gaadhsiisa xorriyad madaxbannaan, muddana loo cayimo.
Ingiriiska oo ka mid ah afarta dawladood ee xoggan, isla markaana gacanta ku haya amma ay ka mustacmarad ahaan ay hoos yimadaan dalal badan oo mandaqadan Geeska Afrika iyo bariga Afrika ka gobol ahaan sida;
1. Somaliland
2. Koonfurta Soomaaliya ee ka bacdi jabkii Faashiistihii Talyaanga isagu xukun millateri ku hayey
3. Kenya, ay qayb ka mid ah amma dhulka la yidhaahdo NFD oo Soomaali leedahay oo ka mid Kenya
4. Uganda iyo
5. Tanzania.
Isla marka Itoobiya oo dagaalkaas uu ugu hiiliyey oo Talyaaniga uu ka saaray, sidoo kalana uu imbaradoorkii Itoobiya ee Hayle Salaase dalkiisa ugu hayey magangelyo siyaasadeed, ayaa marka golahaas Paris ee afarta quwadood ee xooggani lagaga hadlaayey arrinka Koonfurta Soomaaliya waxa laga yeelayo miiska soo dhigay codsigii soo jeedinta la magac baxday Bayfan (Baivan) ee ahayd midayntii shanta Soomaaliyeed in Ingiriiska lagu wareejiyo.
Kaalintii Itoobiya ku Lahayd kala Qaybsigii Dhulka Soomaalida
Markii horeba waxa itoobiyaanka iyo soomaalida ka dhex aloosnaa dagaallo iyo rabashado laga soo bilaabo sannadkii 1300 ilaa intii gumaystayaashu soo galayeen qaarada afrika. Taariikhaha qaarkood waxay sheegayaan in itoobiya aaminsan tahay in dadka dega geeska afrika ka tirsan yihiin boqortooyada “Axum Empire”, balse ay ka fallaagoobeen.
Boqor Menelik ayaa sannadkii 1891-kii waraaq u diray hogaamiyeyaashi reer yurub. Wuxuu ku sheegay haddii reer yurub doonayaan inay kala qaybsadaan qaarada afrika, anagu noqon mayno kuwa iska daawada, balse waa inaanu helno saamigayaga. Ka dib reer yurub ayaa ka dooday farrinta boqorka, ka dib waxay arrintaasi suurtagalisay in itoobiya lagu wareejiyo dhul ay soomaali leedahay.
Wareejinta ayaa dhacday saddex kala dhacday, waana saamigii ay heshay itoobiya. Waxay taariikhdani ku suntan tahay sannadihii 1897-dii, 1948-kii iyo 1954-kii. Dhulkaasi wuxuu ka kala tirsan yahay soomaaliya, Somaliland iyo soomaali galbeed. Sannadkii 1956-kii ayuu Xayle Salaase oo ahaa boqorka itoobiya ee wakhtigaasi booqasho ka tagey dhulka soomaali galbeed ka dib wuxuu khudbad ka jeediyey magaalada Qabridaharem wuxuu khubdaasi ku sheegay in qowmiyadda soomalidu ka mid tahay qowmiyadaha itoobiya, sinaba ugama go’i karto. Wuxuu intaasi ku daray, soomaaliya oo gobanimo heshay waa dameer geesa yeeshay.
Xayale Salaase wuxuu kala sinaa boqoradii itoobiya ee ka horeeyey soomaali nacaybka. Mar uu ka hadlayey xorriyad qaadashada Jabuuti wuxuu yidhi” waxaanu jecel nahay in Faransiisku weligii joogo Jabuuti intay soomaaliya la midoobi lahayd.
Heshiiskii ingiriiska iyo boqorkii Xabashida Menelikii labaad.
Sannadkii 1897-kii ayey dawlada ingiriisku wefti u soo dirtay dalka itoobiya, oo wakhtigaasi uu xukumayey boqorkii Menelikii labaad. Waxa kale oo awood xoogan ku lahaa boqorka ninkii la odhan jiray Ras Mokenen oo uu abti u ahaa.
Sannadihii 1894-kii ilaa 1900 ayuu boqor Menelika oo kaashanaya Ras Makenen, waxay qabsadeen inta badan dhulka soomaali galbeed, waxayna ka samaysteen saldhigyo milatari oo lagu xasuuqo dadka soomaalida ah, si aanay kacdoon u sababin. Taasina waxay keentay in xabashidu la gorgortanto quwadaha reer yurub.
Weftigan ingiriiska waxa hogaaminayey nin la odhan jiray James Rennel Rodd. Dhinaca xabashida waxa uga qaybgalay boqor Menelik iyo Ras Mokenen. Labada qodob ee laga wadahadlayo ayaa kala ahaa:
1. in boqor Menelik aanu taageerin kacdoonka Mahdiga Suudaan.
2. in xad loo sameeyo dhulka ay xabashida iyo reer yurub kala haysteen.
Waxa markiiba laga heshiiyey qodobkii koowaad, balse wuxuu shuruuc ku xidhay in dhulka soomaalida kuway doonayso hesho. Ras Makenen oo ahaa badhasaabkii Herer, oo aad u kala yaqaanay dhulka soomaalida, ayaa miiska soo dhigay qorshe ahaa in lagu wareejiyo dhul badkiisu yahay 33,000 mayl, oo isku wareeg ah, oo ay ku jirto Hargaysa ilaa Jig-Jiga. Ingiriiska oo xariif ku ah khiyaamada ayaa doodii si kale u dhigay, wuxuu aakhrikii ogolaaday inuu ku wareejiyo 13,500 oo mayl oo isku wareeg ah. Dhulkaasi wuxuu ka kooban yahay dhulka Ciisaha iyo dhulka Habar awasha galbeed ah.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in Journalism
Hargaysa, somaliland
Baadhis iyo Xog-ururin
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment