
Muddadii uu Kulankani socday, waxa ay Aqoon yahanno iyo Khubaro shirkaas ka soo qayb gashay halkaas isku weydaarsadeen Talooyin iyo Fikrado loo Bogay oo loo arkay inay wax ka tari doonaan Hannaanka uu u dhisan yahay Man-hajka waxbarashada Aasaasiga ah ee Somaliland.
Khubaradii shirkaas ka qaybgashay muddadii uu socday waxa tilmaameen in lagama Maarmaan ay tahay in wax badan laga Bedello Man-hajka haatan la isticmaalo, waxana ay Badka keeneen Talooyin Badan dhaxal-gal noqon karo, kuwaas oo Halkaas lagu ururiyey loona Ballamay kala hufkooda iyo kala shaandhayntooda kulamo dambe oo la isugu iman doono.
Shirweynahan oo loogu magac-daray Talo-wadaag ayaa Gunaadankiisii lagu sheegay in muddo kadib Talooyinkan kala saaridoodu la isugu iman doono, iyadoo masuuliyiintii Wasaaradda Waxbarashada ka socotay, kuwii Hay’adad AET ka socday iyo xubnihii ka soo qaybgalayaashha ahaaba u riyaaqeen una saadaaliyeen in waxa ay soo saareen ay Noqon doonaan wax Taariikhda gala.
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarahad Somaliland Oo kulankaasi soo gunaanaday ayaa ku nuux nuux saday go’aamaday ay kasoo sareen shirwaynaha ay ugu magac Dareen Talo-Wadaagga, waxaana uu biyaamiyay in shirkan uu ahaa mid afkaarta dadka laga uruurinayay waxaana uu yidhi
“Wasaarada ahaan aad ayay noo farxad galinaysaa markaanu aragno umadii oo diyaar ah,hawshana dhinacooda waxa kala qabanaya dadka,anagu waxaanu had iyo jeer ku dadaalaynaa oo wasaaradu ku dadaalaysaa inaanu talada la wadaagno dadka kasoo qayb galayaasha ah intii aanu u aragno in ay dalka iyo dadkaba anfacayso,hawsha waa lawada leeyahay sidii aynu ku tashano ayuun baynu u jihayn karnaa aqoonta jiilka danbe ee soo socda,markaas waxa aynu halka iskugu nimid waa wadatashi,waxaana la uruurinayaa Araahdii dadka,Waxa go’aanan lama qaadanayo ilaa inta la isku af garanayo Araahdaas dadku ay kasoo dhiibanayaa fikirkooda.”
Dhinac kale waxa isna hadalo kasoo jeediyay agaasimaha xafiiska manaahijta ee wasaarada waxbarashada somaliland Mudane Cabdilaahi Yaasiin Diiriye waxaana uu yidhi” “Run ahaantii man-hajka aynu hada qorshaynayno haddii uu saddex waayo mana qonayo wax ay u Ayaan jiilka danbe ee soo socda,Marka horena waa in la helaa cid fulisa man-hajkaas aynu qorshaynayo ee aynu u dhigayno bulshadeena kala duwan ee somaliland, Ta labaadna waxa weeyaan dhaqaale aynu ku hirgalinayno man-hajka aynu maanta astaysanayno in loo heli ayaa waajib ah,waxa kale oo Iyana laga maarmaan ah in uu man-hajkaasi helo cid daba gasha,had iyo jeerna gacanta lagu hayo si aanu u noqon hal bacaad lagu lisay.”
sidoo kale waxa isna hadalo kasoo jeediyay Guddoomiyaha Hay’adda AET Xasan Axmed Ibraahin waxaana uu yidhi “Kolay guddi kale ayaa loo samayn doonaa oo halkaas wixii aad soo gaadhsiiseen kasii Anba qaada,waxa aynu maanta samaynaynaa waa qori isku dhiib,kolay sidaad ogtihii dugsiyadii qoraanka iyadana tayadoodii ayaa hoosaysa waxaana loo baahanyahay in aynu kor usoo qaadno maxaayeelay waa meel lagu dhiganayo kitaabkii ilaahay,Kolay waxaana wanaagsan in qofku marka uu dugsiga soo dhigto uu aado meel farsamo ah. Maxaa yeelay waxa uu baranayaa aqoon kala duwan oo uu dalka ku hagi karo,waxaana manaahijteena ku jirtay kuwii barigii hore in uu qofku marka uu kasoo baxo dugsiga uu tago meel farsamada gacanta lagu barto lakiin taasi ma ay dhicin,waxaanan leeyahay waa in aynu manaahijtan cusub ee aynu maanta unkayno aynu ku darnaa Barnaamijkaas Farsamada Gacanta.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment