
Ugu horay mujaahid Cali Guray oo ka hadlaya dhibaatooyinka lagu hayo warbaahinta ayaa waxa uu yidhi “Warbaahinta madax banaan dagaalka ka dhanka ahi maaha mid cusub ee wuu socday laakiin wuu sii kululaaday ayaan qabaa, taariikhda Somaliland-na markii ugu horaysay ayaa maamulka uu madaxweyne Siilaanyo madaxda ka yahay wuxuu baabiiyey laba jariiradood, tan xadhiga iyo tacadiyadu joogto ayey iska ahayd oo tirada ha kala badnaato oo aan idhaahdo sadexdii madaxweyne ee Siilaanyo ka horeeyey la xidhay waxa ka badan inta la xidhay sanad kaliya oo uu madaxweyne Siilaanyo dalka madax ka ahaa.”
Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu Murugoodo marka uu arko ama Dhegaysto Hadalladii uu madaxweyne Siilaanyo Xilligii uu Mucaaridka aha aka odhan jirey Arrimaha Xadhiga ee lagula kici jirey Warbaahinta iyo shakhsiyaadka Siyaasadda loo xidho, balse Maanta uu wax ka xun ku dhaqaaqayo.
Mujaahid Cali Guray waxa uu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu xoriyadooda u soo celiyo hay’adaha warbaahineed ee xidhan, isaga oo ka hadlay xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe waxaanu yidhi “Anigu waxaan madaxweynaha leeyahay dib iskugu noqo, in 18-kii May uu god madaw ku xidhnaa oo uu ku dhaafo Yuusuf Cabdi Gaboobe adiga oo og in cida xidhay ay barbarkaaga taagnayd, waxaanu leenahay waa inay xoriyadooda xidhaan waana in xuquuqda bina aadanka la ixtiraamaa, waana in xuquuqda muwaadiniinta la ixtiraamaa, waana in xaqa iyo xuquuqda ay leedahay warbaahinta madaxa banaani la ixtiraamaa, sharcigana waxaanu ogolnahay oo aanu goor walba diyaar u nahay in loo wada hogaamsamo loona sinaado” ayuu yidhi mujaahid Cali Guray.
Waxa uu gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray uu sheegay in quus laga taagnaan doono hay’addaha garsoorka iyo sharci dejinta haddii ay ku sii socdaan sida ay haatan yihiin, waxaanu si gaar ah uga hadlay dhinaca garsoorka isaga oo yidhi “ Waxaynu ku dhawnahay in laga aamin baxo hay’adihii garsoorka, hay’adihii sharci dejinta waayo marka aynu ognahay in la odhan karo cidaasi anigay sidaas igu tidhiye CID-da haddii aad tihiin kiis u soo sameeeya ee markay wax soo mal maluuqaana xeer ilaalintii la odhanayo ku ooga ee hadana garsoore loo yeedhayo ee la odhanayo ku xukun waxay keeni doontaa in laga aamin baxo gabi ahaanba garsoorkii iyo hay’addihii sharci fulinta ee dalka taas oo macnaheedu tahay I qofkii la xidhaa noqonayo mid la qafaashay .” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment