Saturday, May 24, 2014

Kooxda Al-shabaab Oo Weerar Qorshaysan ka Fulisay Xarunta Baarlamaanka Somalia ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho:May,24,2014(Himilo)-Warar kala duwan ayaa ka soo Baxaya Weerar qorshaysan oo Kooxda Alshabaab  Maanta ku Ekayysay Xarunta Baarlamaanka Somalia, halkaas oo ay ku dhinteen Tiro dad ahi.

bar qaraIlaa iyo Imika waxa la sheegayaa inay dhinteen I10 qof oo  Badan ciidankii ilaalada ka ahaa Afaafka hore ee Xarunta Barlamaanka oo weerar isqarxin ah markii hore lala eegtay.

Sidoo kale warar aan helnay ayaa sheegaya in ilaa saddax xildhibaan oo uu ka mid yahay xildhibaan Cumar Finish uu ku dhaawacmay weerarka waxaana dhaawiciisa loo qaaday xarunta AMISOM ee Xalane.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in markii horre ay wateen baabuur ay ka buuxaan wax yaabaha qarxa kaddibna waxay isku dayeen in ay galaan xarunta oo dhowr meel ay weerar ka geysteen.

Markii uu weerarka dhacaayay waxaa xarunta baarlamaanka ka socday kulan uu lahaa baarlamaanka, waxaana qaraxa kaddib la sheegay in xildhibaannada ay kala carareen .

Ciidamo ka tirsan dowladda gaar ahaan kuwa nabad sugida ayaa goobta isku gadaamay, waxaana la diidday in ay galaan saxaafadda xarunta baarlamaanka.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay xidhnaayeen dharka ciidamada dowladda sidda ay lee yihiin xildhibaannadii ku sugnaa xarunta.

Gaadidka gurmadka degdegga ayaa la arkayaa oo daabulaya dhaawacyo balse cid xaqiijin karta ma laha waxa ay dhaacwayada.

Waxaa la xidhay dhammaan waddooyinka soo galaya xarunta baarlamaanka iyo guud ahaan xarumaha dowladda ee ku yaalla madaxtoyada Soomaaliyada.

Intii uu weerarka socday waxaa la arkayay xildhibaanno ka baxaya dhismo ku yaalla xarunta oo aan lootu talagalin in laga kaddib markii lagu dhiiran waayay in laga baxo albaabada baarlamaanka.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment