Friday, May 30, 2014

Guddoomiye Saleebaan Oo Shaaciyey In Guddidii Dhexdhexaadintu Dib u Dhigeen Shirarkii Garabyada Kulmiye U Ballansanaayeen Maalmaha Sabtida iyo Axadda

Hargeysa:May,30,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida somaliladn oo ay Weheliyaan Xubno ka tirsan Guddidii dhexdhexdheenta Labada Garab ee Kulmiye, ayaa shir jaraa’id oo ay Maanta qabteen ku shaaciyey in dib loo dhigay Shirarkii Maalmaha Sabtida loogu  ballansanaa Golayaasha Dhexe ee  ay samaysteen.

saleebaan Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in Guddi ahaan ay Go’aamiyeen in shirarkaas dib loo dhigo, isagoo si cad u sheegay in Garabka Muuse Biixi uu si Buuxda u aqbalay inay shirka Joojiyaan.

Waxa uu Guddoomiyuhu xusay inaanay wax Ballanqaad ah ka Haysanin Garabka kale, balse kaliya ay ku han weyn yihiin  inay iyaguna dhinacooda Aqbali doonaan dib u dhigista shirka Axadda u qorshaysan.

 

Waxa uu tilmaamay in dedaalkii dhexdhexaadinta labada dhinac la iskugu soo jiidayey uu meel fiican marayo, isla-markaana ay ku rajo weyn yihiin inay Natiijo lagu farxo soo saari doonaan dhawaan.

 

Guddoomiyaha ayaa muujiyey sida ay ugu adagtahay inaanay wali Ballan-qaad rasmi ah ka haysanin Garabka uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, waxase uu xusay in Garabka Guddoomiye Muuse ay wada  shaqayn kala kulmeen.

 

Garabka uu Hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi ayaa kulanka dhex maray Guddida Dhexdhexaadinta ka dib soo saaray War-saxaafadee ay ku shaacinayaan in Shirkii Golaha ee Maalinta Berri ah loo Ballan sanaa dib loo dhigay, iyagoo aan sheegin xilliga rasmiga ah ee arrintaasi dhici dhici doonto.

 

Waxa war-saxaafadeedkaas lagu cambaareeyey Dhacdadii xalay Xukuumaddu kula kacday Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor oo haatan xukuumadda Gacanta  ugu jira.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment