Xuseen Axmed Caydiid oo qiray inuu ka mid yahay Wasiirrada Khilaafka ka dhex-wada Madaxweynaha iyo Hoggaanka KULMIYE
Hargeysa, 27 May, 2014 (Himilo)- Kulan ay shalay isugu yimaaddeen 23 Xubnood oo ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE ee shaacintoodu khilaafka ka dhex-abuurtay Hoggaanka Xisbiga oo u qaybsamay laba Garab oo uu mid Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo Garabka labaadna uu Guddoomiye Muuse Biixi hoggaaminayo, ayaa shalay shaaciyey in Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE la qabanayo 1-da bisha June ee maalmuhu ka hadhsan yihiin bilashadeeda.
Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo marka hore ka mid ahaa Garabka uu hoggaaminayo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay lagu dhex-arkay Garabka Madaxtooyada oo uu kulan ay Maansoor Huteel ee magaalada Hargeysa ku yeesheen uu u furay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka afraad ee KULMIYE, ayaa cayimay maalinta uu furmayo fadhiga koowaad ee Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas oo ay hoggaanka Xisbigu qaaddeceen sharcinnimadooda, ka dib markii ay Liiskooda shaaciyeen khamiistii inna dhaaftay Shirguddoonka Shirweynihii saddexaad ee Xisbigaas oo 29-kii bishii April ee inna dhaaftay lagu soo gebo-gabeeyey Hargeysa.
Kulankaas oo ay isugu yimaaddeen Xubno ka tirsan Guddiga Fulinta oo Wasiirro u badnaa xubno Xildhibaanno ahina ay ka dhex-muuqdeen, ayaa Xubno Wasiirro u badan oo ka hadlay, waxay si adag ugu doodeen inay sharci-darro yihiin tallaabooyinka ay Hoggaanka Xisbiga, gaar ahaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo iyaga iyo xubno kale ay qaaddeceen sharcinnimada Liisaska Guddiga fulinta iyo Golaha dhexe ee ay soo saareen Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE. Waxaanay Xubnahani halkaas ka akhriyeen shuruuc ay sheegeen inay ku dhawaaqista liisaskaasi waafaqsantay, iyagoo jawaabo adagna ka bixiyey eedaymo ay Guddoonka Xisbigu u jeediyeen maalmihii u dambaysay iyo Liiska Guddiga Fulinta ee uu habeen-hore soo saaray Guddoomiye Muuse Biixi oo ay buriyeen.
“Waxaan doonayaa inaan ku dhawaaqo in shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE qabsoomayo 1-da bisha June, waxaan ku wargelinayaa xubnaha Golaha dhexe inta Caasimadda joogta iyo inta gobollada dalka joogtaaba, in ay shirka Golaha dhexe yimaaddaan maalinta Axadda oo ay bisha June tahay 1-da tahay. Waxaana uu shirku ka dhici doonaa Hotelkan aynu fadhino ee Maansoor.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo shalay Garab fadhiyey Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka afraad Cabdiraxmaan-Saylici.
Xasan Siciid Yuusuf oo Jimcihiina garab-fadhiyey Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka KULMIYE, isla markaana ay wada-qaaddaceen sharcinnimada Liisaska ay Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad soo saareen oo weliba isagu Shirkoodaa jaraa’id ee ay Jimcihii qabteen ka sheegay inaanay Sharci ahayn ku dhawaaqista liisaskaas oo uu sheegay inay Shir-guddoonka Shirweynihii Xisbugu ay la tageen Xero Millateri oo ay kaga dhawaaqeen.
Haddaba, haddaynu milicsanno weedhihii Xasan Siciid markii uu ka hadlayey Shirka Jaraa’id ee ay Jimcihii inna dhaafay wada-qabteen Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Jaamac-Shabeel oo ay ku qabteen Xarunta KULMIYE waxa uu Xoghaye Xasan Siciid ku yidhi sidan: “Waxay na weydiiyeen ma jirin, noomanay iman, markii hore Ambassator Hutel bay joogeen xubnahani, markii dambena Xero Millateri bay la galeen oo ah Wasaaradda Gaashaandhigga, qaladaadkaas dhacaya waxa halkan ku jira illaa shan qodob oo aan ahayn go’aan ama xal ka soo baxay Shirweynihii ayay ku darsadeen oo ay leeyihiin waa naloo igmaday, taasi maahaba qalad ee waa dembi cad, wixii laga yeelayo iyo sida loo xallilayana Dastuurka Xisbiga ayaa sheegaya.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.
Xasan Siciid Yuusuf oo shalay Su’aal laga weydiiyey waxa iska beddelay isaga oo Garabka Muuse ahaa iyo wixii uu Jimcihii sheegay ee ahayd inuu Guddoomiyaha Golaha dhexe Sharci u leeyahay magacaabista Guddiga Fulinta iyo muddaynta Shirka Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE iyo waxa laba cisho ka dib beddelay, waxa uu ku jawaabay; “Guddoomiyuhu markuu yimaaddo isagaa ku dhawaaqayo inuu joogo iyo inuu Beertii ku maqan yahay war uma hayo, laakiin markuu maqan yahay ee aan joogo anigaa ku dhawaaqaya.” Jawaabtaa kooban ayuu kaga baxay su’aashaas Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE.
“Sharciga Xisbiga iyo Xeer 14 baannu u hoggaansamaynaa, cid kastana waxaannu ka codsanaynaa inay u hoggaansanto, ciddii u hoggaansami waydaa Sharciga Xisbiga iyo Xeer 14 labaaasi ma kala maarmaamaan oo way isku lifaaqan yihiine, dee waxay sheegeen dariiq iyo waddo loogu soo celiyo Xisbiga ama aanu Xisbigu ku burburin ama Xisbiga Sharcigiisa lagu oggolaysiiyo. Illaahay waxaannu ka baryeynaa Xisbigayagu inuu sidii lagu yaqaannay ku soo noqdo.” Sidaa ayuu yidhi Cabdikariin Xinif.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna ka mid ahaa xubnaha Guddiga Fulinta ee kulankaas ka hadlay, waxaanu ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay inay Madaxweynaha iyo Hoggaanka Xisbiga kala dilayaan oo ay khilaaf ka dhex-abuurayaan Xubno Wasiirro ah oo Xukuumadda ka tirsani.
Xuseen Axmed Caydiid oo hadalkaas daba socdaana waxa uu yidhi; “Saaka (shalay) halkan waxaan ku fadhiyaa Masuul Xisbi, xubin Guddiga Fulinta ah baan ku fadhiyaa kuma fadhiyo Wasiir, Nimanka halkaa ka aflagaadddeeya ee Masuuliyadda aannu Xisbiga ka hayno ismood-siiya ee dafira ee xubno tiro yar oo Wasiirro ah leh iyagoo weliba tirada yasaya ee saddex iyo afar Wasiir ku sheegayaa iyagaa dee afar ah ee bal inta halkaa Wasiir fadhida tiriya. Waxaan leeyahay waar deelqaafka aan joojinno, waxa la yidhi aflagaaddo nabadna way kaa kaxaysaa, colaadna waxba kaagama tarto. Xisbiga marka intiisii badnayd halkan fadhido nacnacda meelahaa laga guraa waxba ka tari mayso.”
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo isaguna shirkaas Jara’aid ka hadlay, ayaa sheegay in Madaxweynuhu badbaadiyey Xisbiga dhawr bilood ka hor, isla markaana Muuse iyo Maxamed Kaahin lagu qanciyey inaan lagula tartamin jagooyinka ay fadhiyaan, iyaguna aanay doonayn Madaxtinnimada inay u tartamaan oo Madaxweynaha loo daayo, balse markii dib loo doortay damac qaaday.
“Xeerku meelna kama oggola Guddoomiyuhu inuu sameeyo Guddi fulineed, Xeerka Xisbiga iyo Xeer 14-ba wuxu u oggol yahay inuu magacaabo 11 Xoghayeyaal ah. Haddaba, maxaa jira? Shirweynihi siduu u dhacay? Si wanaagsan, Golihii dhexe wuu jiraa, Guddigii fulintu way jirtaa, Hoggaankii Xisbigu wuu jiraa, mushaakilka keliya ee jiraa waxa innaga maqan Guddoomiyihii iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii. Sharcigan iyagu miyaanay garanayn? Way yaqaannaan, way la socdaan, maxaa maqan? Waxa weeye waxa lagu socdaa damicii ugu waynaa ee Madaxtinnimo ee Qarniga ayaa socda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cabdi Aw Daahir.
Xubno kale oo Wasiirro iyo Xildhibaanno isugu jira ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, kuwaasoo siday xubnaha kor ku xusani u hadleen iyo si ka adag-ba uga hadlay arrimaha khilaafka keenay iyo sharciyadda Xisbiga oo ay sheegeen inay khilaafeen Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment