Friday, May 23, 2014

Hoggaamiye Colaado ka Huriyey Dalka Kongo Oo Maxkamadda Dambiyada Dagaalku Xukun ku Ridday

Hague: May, 23, 2014 (Himilo)-Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa xabsi  dheer ah ku Ridday Hoggaamiye Germain Katanga oo loo Haysto Dagaallo uu ka Geystay Waddanka Kongo.

kontHoggaamiyahan oo Ka soo Dagaalamay Dalka Kongo, ayaa lagu riday Xukun ah 12-sano oo xadhig ah, waxana loo Haystaa Dagaalo dad badani ku naf waayeen oo dhacay Sanadihii 2003-dii.

Qareenada Maxkamadda ayaa Caddeeyey in Katanga Lagu waayey qaar ka mid ah Dambiyadii loo Hastay, balse ay jiraan Dambiyo kale oo  ku caddaaday.

Dambiyada lagu waayey ayaa waxa lagu sheegay inay ka mid ahaayeen Askaraynta carruurta iyo waliba kufsi uu ku kacay intii uu dagaalka ku jirey.

 

Nadim Baba oo kamid ah wariyayasha Al-jazeera ayaa sheegay in xukunkan uu yahay fariin ku socota dhamaan hogaamimyaasha afrikaanka ah, isla markaana danbiyada noocaan oo kale ah ay ka iman karto ciqaab waqti dheer ah.

 

Dowladda Congo ayaa soo qabatay Katanga sanadkii 2007-dii, waxaana uu xabsi ku jiray muddo todobo sano ah ,iyadoo  dowladda uu ku soo jeedo ay arintan  ku tilmaamtay mid geesnimo ah.

 

Waxaa xukankan ka horeeyay mid lagu riday Thomas Lubanga oo isna  lagu helay in uu caruur badan askareeyay ,isaga oo u adeegsaday colaado ka dhacay isla Congo sanadihii 2002-da ilaa iyo 2003-di.

 

 

 

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment