Saturday, May 31, 2014

Qabyaaladda Siyaasadeed Somaliland waa ay galaafan doontaa -W/Q Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”




”Geedkaannu goynnaaba waa gawlalliyo jiice


Ilaah baa guntiga noogu xidhay maydhax gumareede” – Saleebaan-Maydhaxgumareed


Dawladnimada Somaliland bilawgii waxaa la gu dhisay habka tolalka iyo hiddihii soojireenka ahaa. Duruufihii maalintaa jiray kolka la tixgeliyo daruuri bay ahayd baa la dhihi karaa. Ha ahaatee maalintaaba qof waliba wuu garan karayay in ay tahay marxalad bulsheed oo aad u dambaysa oo kol uun la ga bixi doono.


Mar uun bay garashada hagaagsan iyo dantu diidi doonaan dawladnimo casri ah in waxaa la gu wado. Laakiin saddex iyo labaatan sannadood ka dib arrintu wax ay taagan tahay bartii la ga soo unkay iyo meel ka sii liidata. Maanta dalkii meel walba shir qabiil-siyaasadeed baa ka socda, qolo walibana gooni bay isu abaabulaysaa. Siyaasigiina bulshadii tolal buu u ka la qaybinayaa oo af qabiil iyo arrimo qabyaaladeed buu ku la dhex jiraa. Dabadeed midnimadii iyo dawladnimadii waa baylah oo haad iyo hanraawe ayay u yaallaan.



Ururrada siyaasadeed qabiil ayay ku wada dhisan yihiin, waxa qudha ee ay soo kordhiyeenna waa buuq iyo qabyaalad. Sideedaba dimuqraadiyaddu danta ay xisbiyada badan ka lee dahay waa xorriyadda siyaasadeed oo baahda iyo maamulka dawladeed oo loo helo awoodo is ilaaliya. Ha ahaatee xisbiyadu maanta bulshada Soomaalilaand u ma wadaan dantaa iyo wanaaggaa. Tusaale ahaan dadka xisbiyada ku wada jiraa ma leh aragti siyaasadeed iyo fikir mideeya oo ay wadaagaan, wax ay se ku wada dhisan yihiin qabyaalad. Waxba tari mayso in ay dhawr nin oo ka la reero ahi calanka xisbigaa isku wada sawiraan. Runtu waa qabyaalad, wax kalena meesha ma yaallaan.


 


Axmed-Siilaanyo wax uu Daahir Rayaale ka dhaxlay dawladnimo shaqaynaysa oo dadkeedu u heellan yahay, dadkaas oo haddana la heetinaya dhaawac qabyaaladeed, welina aan ka la baran dawlad iyo reer waxa ay ka la yihiin. In bulshada wacyigeed siyaasadeed la kobciyo oo la baro ka la fogaanta tolnimada iyo dawladnimada ayay ahayd in aad loo ga shaqeeyo. Siyaasadda iyo xilalka dawladda ayayna ayahd taa in wax la ga ga shaqeeyo. Laakiin nasiibxumo maamulka Axmed-Siilaanyo boogtaa wuuba u ga sii daray. Wax waliba dhanka xun bay maanta u sii socdaan. Siyaasigii iyo dawladdii taa u xilsaarnaa baa faafinaya oo bulshada iyo carruurta baraya. Inta ay sidaa tahay ee qabyaaladda la koolkoolinayo, qofna yuu ku riyoon in dawladnimo casri ahi taabbagasho. Taa daayo natiijadeeda xumi jiritaanka Soomaalilaand oo dhan bay galaafan kartaa.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment