Friday, May 23, 2014

Hoggaamiye Ka Tirsanaa Mintidiinta Dalka Masar Oo La Khaarajiyey

Sinai:May,23,2014(Himilo)-Wararka ka soo Baxay Ciidamada Militeriga Dalka Masar ayaa sheegay in la Khaarajiyey Hoggaamiyihii kooxda Ansar Baytul Maqdas oo ka Dagaalami jirey Dalka Masara.

shaadiNinkan oo lagu magacaabi jiray Shadi al-Menei iyo lix kamid ah kooxdaasi ayaa lagu dilay duulaan ay Khamiistii shalay militariga Masar ku qaadeen goobihii ay ku sugnaayeen gobalka Sinaay ee Bariga wadanka Masar oo ay ka soo qorshayn  jireen weerraro dhawr ah oo ciidanka Masaarida Loo Geystay.

 

Kooxda Ansar Baytul Maqdis ayaa ahayd midii ka danbeysay weeraradii bambaano ee bilihi lasoo dhaafay ka dhacay caasimada Qaahira iyo goobo badan oo kamid ah gobalka Sinaay.

 

Illaa iyo hada kooxda Ansar Baytul Maqdis ayaan ka jawaabin warka kasoo baxay dhanka ciidamada dowlada Masar.

Kooxdan ayaa dhawaan ka aasaasantay dalka Masar, wasana ay halis badan ku Hayeen ciidanka  Masaarida oo ay dhawr jeer tirooyin badan qaraxyo kaga dileen.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment