Hargeysa, 29 May, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee xisbigaas uu jabiyey shuruucda u taala Xisbiga, isaga oo ku eedeyey inuu danihiisa gaar ahaaneed iyo shilimaad lacag ah ku beddeshay masiirkii Xisbiga, isla markaana ay dhowaan soo dhowaan soo magacaabayaan Xoghaye Cusub oo xisbigaasi yeesho.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Muxumed oo markii hore la safnaa garabka hoggaanka sare ee Kulmiye, ayaa kulan ay qabteen garabka Xukuumadda ee Kulmiye oo lagu marti-qaaday ku shaaciyey xilliga uu qabsoomayo shirka Golaha, go’aankaas oo aanay hoggaanka sare ee Kulmiye kula socon, balse uu geligii ku ahaa.
Jaamac Shabeel oo shalay magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta, waxa uu sheegay inay meel fiican marayso xaaladda xisbiga Kulmiye, balse waxa uu eedaymo u jeediyey cid aanu magacaabin oo sida uu sheegay fad-qalallo ka dhex waddada madaxweynaha iyo hoggaanka sare ee Kulmiye.
“Xisbi xaaladdiisu way wanaagsan tahay, dhibaato kalena ma jirto’e, Macaan-jecel madaxweynaha ku hareeraysan oo ugu sheekeeya, ayuunbaa abuuraya dhibaatadan. Marka hadal lagaa deyn waayo-na waxbaa kaaga ducaya oo bani’aadam baad tahayoo wuxuunbaad ka qaadanaysaa.
Laakiin, waxaanu ogyanahay inta jeer ee madaxweynaha hortiisa aanu caddeynay waxa ay u sheegeen inay been ahayd,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
Guddoomiye Jaamac Shabeel oo la weydiiyey aragtidooda la xidhiidha go’aanka Xoghayaha guud ee Xisbigu ugu biiray garabka xisbiga ee dhinaca xukuumadda, waxa uu ku jawaabay, “Dhadhamo-raacu wuu badan yahay. Soomaaliduna waxay hor u tidhi ‘Nin soori kaa qaadday, waa nin seefi kaa qaadday. Kuwaas marka hore la moodayey dad damiir leh ee dhaameelka guranaya, way wanaagsan tahay inay soo baxaan oo umaddo aragto. Waa la magacaabay (Xoghaha Guud) beddelkiisana mid kale ayaa la magacaabayaa, wax dhib ahi kuma jirto,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment