Tuesday, May 27, 2014

Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland oo bartilmaameed u noqotay ololeyaasha Doorashooyin ka socda Qaaradda Yurub




Midowga Yurub oo Isku-cannaantay in Qadiyadda Somaliland loo Xusul-duubo Xasilooni-darrada ka jirta Soomaaliya


 


Stockholm, 27 May, 2014 (Himilo)- Iyada oo todobaadkan gudihiisa ay  ka socoto qaaradda Yurub doorashada guud ee Xubnaha Baarlamaanka Yurub oo shakhsiyaad tiro badan isu-sharraxeen, waxa ku jira xubno u dhashay dalal Somaliland qaddiyaddeeda taageersan, kuwaas oo ku howlan qorshe ay Midowga Yurub ugu gudbinayaan taageerada Madax-bannaanida iyo Aqoonsiga Somaliland.


EU2014-enXildhibaanno hore ugu jiray Golaha Baarlamaanka Yurub wakhtiganna ka mid ah xubnaha u sharraxan iyo qaar cusub oo doonaya inay ku biiraan si dalkooda ugu metelaan baarlamanka Yurub, qaarkoodna qaddiyadda Somaliland hore ugu ololeyn jireen, ayaa jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan Qaaradda Yurub ka dalbaday inay codkooda siiyaan, iyaga oo taas beddelkeeda ballan-qaaday inay taageerayaan isla markaana baarlamaanka Yurub u gudbinayaan mooshinno ka dhan ah qadiyadda madax-bannaanida Somaliland haddii ay ku guulaystaan xubinimada baarlamaanka Yurub.


Xildhibaan Jenny Sonesson oo dalka Sweden ugu jirtay Baarlamanka Yurub, wakhtiganna u taagan inay mar kale ku guulaysato jagadaas, ayaa Midowga Yurub ugu baaqday inay si deg-deg ah loo tix-geliyo xaaladda Somaliland isla markaana xaqeeda aan lagu xidhin rejada laga qabo dawlad cagaheeda ku taagan oo ka dhalata dalka Soomaaliya.


Xildhibaan Jenny Sonesson oo ka mid ahayd wefti ay hoggaaminaysay safiirka Somaliland ee dalka Sweden Rooda Jaamac oo dhowaan socdaal ku yimi dalka isla markaana kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland, ayaa qoraal ay ku baahisay warbaahinta dalka Sweden, waxa ay ku baaqday inaan la iska indho-tiri karin xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland ka jirta.


“Xaalada Soomaaliya way ka soo kabanaysaa laba qarni colaado aafeeyeen, laakiin weli xaalada amaan waa halis. Xaalada qasan ee Soomaaliya, dhinaca kale waxa  jira Somaliland oo ku guulaysatay abuuritaanka xasilooni dhamaystiran, kana dhaceen dooorashooyin kala duwan oo samaystay hay’ado dawladeed shaqeynaya,” ayey qoraalkeeda ku sheegtay xildhibaan Jenny Sonesson.


Mar ay ka hadlaysay waxyaabihii uga soo baxay booqasho dhowaan ay Somaliland ku timi, waxa ay tidhi, “Qeyb ka mid ah booqashadii aan dhowaan ku tegay Somaliland, waxaan kula kulmay haweenay da’ yar oo dhalashada dalka Ingiriiska haysata oo ii sheegtay inay dareemayso in caasimada Hargeysa ka amaan wanaagsan tahay London.”


Waxa ay ka hadashay sababaha hortaagan taageero Somaliland ka hesho Midowga Yurub oo ku sheegtay mid ka caga-jiidaysa dhinaca dalalka Midowga Afrika, waxaanay tidhi, “Ururka Midowga Afrika waxay qireen in Somaliland buuxisay shuruudahii aqoonsiga, balse weli ma jiro dal aqoonsaday madaxbanaanida Somaliland, Midowga Yurub-na waxay sheegeen in waddamada Afrika talaabada koowaad qaadaan, laakiin xukuumado badan oo kali-talis ah ayaa hortaagan.”


Waxa ay beesha Caalamka oo Midowga Yurub u horreyo u jeedisay inay ka hortagaan khataro badan oo Aqoonsi la’aantu ku hayso dhalinyarada Somaliland, iyada oo dhinaca kale ku boorisay tallaabo deg-deg ah Midowga Yurub u qaado sidii loo suurta-gelin lahaa Qadiyadda Somaliland in aan lagu xidhan rejada laga qabo dawlad Soomaaliya yeelato.


“Haddii xaalka Soomaaliya isbedel xasilooni iman waayo, Midowga Yurub waxaa muhiim ku ah inay si degdeg ah diirada u eegaan qodobka aqoonsiga Somaliland,” ayey qoraalkeeda ku sheegtay, iyada oo intaas raacisay, “In badan oo dhalinyarada reer Somaliland mustaqbal la’aanta dalkooda waxay isku soo biimeeyaan tahriibka saxaaraha ilaa xeebaha Liibiya, laakiin siyaasiyiinta Somaliland een kulanay waxay doonayaan abuuritaanka bulsho horumarsan iyo rejo dhalinyaroodu hesho, markaa beesha caalamku waxa waajib ku ah inay u fidiyaan taageeradooda,” ayey tidhi Xildhibaan Jenny Sonesson.


Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee dalka Ingiriiska oo todobaadkan ka qabsoomay dalkaas, ayaa sidoo kale mudaneyaasha u tartamayey kuraasida magaalooyinka qaarkood, waxa ay codkooda ka dalbadeen jaaliyadda Somaliland ee u dhaqan dalkaas, si ay u taageeraan qadiyadda madax-bannaanida Somaliland, halka qaarkoodna ay hore u sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ololeysan oo ay kalsooni kaga kasbanayaan jaaliyadaha, waxaana xubnahaas ka mid ah xildhibaan Maxamed Maroof oo horseed ka ahaa mooshinkii dhowaan ay xildhibaannad golaha deegaanka Sheffield ku taageen aqoonsiga Somaliland, haseyeeshe nasiib-darro xildhibaankaasi kuma guulaysan inuu ku soo baxo doorashada golaha deegaanka oo uu u metalayey xisbiga Shaqaalaha ee Ingriiiska, waxaana booskiisii buuxiyey mudane kale oo ay isku Xisbi ka soo jeedaan.


Himilomedia.com                


Hargeysa-Somaliland                         

No comments:

Post a Comment