Monday, May 26, 2014

Xoghayihii Guud Ee Kulmiye Oo Ka Dhaqaaqay Garabkii Kornaylada, Una Ruqaansaday Dhinaca Madaxtooyada

Hargeysa:May,26,2014(Himilo)-Xoghayaha Guud ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo hore ula safnaa Garabka Hoggaanka Xisbiga, isla-markaana Shirkii Jaraa’id ee Jimcihii ka Jeediyey Weedho Dhiif leh oo uu ku durayo Shirguddoonka Shirweynihi Dhamaaday Ee Xisbiga, ayaa Maanta ka dhex toosay Garabka Madaxtooyada ee uu hore uga soo horjeeday.

xsanXasan Siciid ayaa si adag uga Hadlay Shir  Madaxweyne-ku-xigeenku Hoggaaminayey oo Guddidii hore ee Fulinta Kulmiye kaga soo horjeedeen Liiskii Xalay muuse biixi ku Iclaamiyey Guddida Fulinta ee Xisbiga.

Xoghaye Xasan siciid oo tan iyo intii uu Badhtamihii sanadkii 2011-kii biiray Xisbiga kulmiye saaxiib dhaw la ahaa Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi ayaa Haatan go’aansaday inuu ka Hadho kooxda la Baacsanayo, una hoggaansamo Go’aamada iyo Rabitaanka Aqalka madaxtooyada eek a dhanka ah Hoggaanka Xisbiga.

Waxa lama filaan noqotay in Xasan siciid uu Maanta ka dhan noqdo Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi oo kaalin weyn ku lahaa inuu markii hore si ku-meel-gaadhnimo ah ugu fadhiyo Kursiga Xoghayaha Guud, markii dambena kaga Guntada    Nimco Basbaaso oo doonaysay inay Kursigiisa sanadkan qaadato.

Lama garanayo Sababta keentay inuu Xasan Siciid laba maalmood Gudahood ku beddelo Mawqifkiisii uu kala safnaa Hoggaanka Xisbiga, isla-markaana ku Biiro Dagaalka lagala soo Horjeeddo Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa, waxase la filan karaa inay ugu weyntahay Cadaadis Madaxtooyo.

Xasan siciid ayaa si gaar ah u iclaamiyey in Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga la qaban doono 1-Da Bisha june ee Soo Socota, isagoo Xubnaha kale ee Maanta  hadlay kala mid ahaa deedafaynta Liiskii Guddida Fulinta ee uu xalay Muuse Biixi Soo saaray.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment