New York 24 May, 2014 (Himilo)- Ergeyga Xoghayaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, ayaa sheegay in jiraan halis badan oo xilligan jihooyin kala duwan ka sii sigaya dalkaasi Soomaaliya, balse waxa uu ku dooday inay jiraan horumar laga sameeyey dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo amaanka ah.
Mr. Kay oo shalay warbixin ku saabsan xaalada Soomaaliya ka jeediyey fadhi xubnaha Golaha amaanka ku yeesheen xarunta Guud ee Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya sannadkii u dambeeyey ay horumar ka samaysay dhinaca siyaasadda, balse ay jirto halis sannadkan la deris noqotay.
“Sannadkan 2014 waa u halis Soomaaliya. Weli kalsooni ayaan qabaa, laakiin waa muhiim in xukuumada iyo beesha caalamku horumar degdeg ah sameeyaan. Soomaaliya jihooyin badan ayey dhinaca halista ugu dhowaanaysaa,” ayuu Yidhi Nickolas Kay.
Mr. Kay waxa uu ka digay in horumar dhinaca dhaqaalaha iyo amaanka ah oo xoogga la saaraa aanay ka indho-tirin bulshada caalamka gaabis iyo caqabado wakhtigan taagan oo aanu xusin waxa ay yihiin, waxaanu yidhi, “Nasiib daro, qorshayaashii la dhigay iyo hadafyadii la gaadhayey weli ma muuqdaan, waan ku amaanayaa socdaalka sannadkan dhamaadkiisa xubnaha golaha amaanku ee Soomaaliya.”
Wakiilka Xoghayaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Kay, waxa uu sheegay in caqabadaas lagaga hortegi karo dedaal balaadhan oo laga gaadho qabyo-tirka iyo dhaqangelinta dastuurka dalkaasi, lana hubiyo abuuritaanka maamul-goboleedyada si loogu diyaar-garoobo doorashooyinka loo muddeeyey inay sannadka 2016 ka qabsoomaan dalkaas.
Mr. Kay ayaa werwer ka muujiyey xaaladda murugsan ee siyaasadda Soomaaliya, sida xildhibaanada tiradoodu boqolka ka badan tahay ee is-casilaadda ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku dooday inay dib ugu celin karto dalkaas waayihii uu ka soo baxay ee gaajada iyo colaadaha.
“Rejada shacabka Soomaalidu wuu sareeyaa, inkastoo samirku yaryahay. Hay’adahu waa inay ku wada shaqeyaan shuruucda iyo waajibaadka uu dastuurku siiyey, si ay u fuliyaan baahida iyo rejada dadka,” ayuu yidhi Mr Nicholas Kay, ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment