Thursday, May 22, 2014

80-ka Mid ah Saraakiisha Ciidanka Maraykanka Oo Loo Diri Doono Dalka Chad

N’DJAMENA:May,22,2014(Himilo)-Xukuumadda Waddanka Mayarkanka ayaa sheegtay inay Dalka Chad geyn Doonto Ciidamo ka qayb qaadan doona Samata-bixinta Gabdhihii dhawaan Boko Xaram af-duubteen.

chadMadaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in 80 saraakiil iyo askar militari ah u dirayaan dalka Chad si ay uga qeyb qaataan baadi goobka loogu jiro gabdhihii ay kooxda Boko Xaram ay kasoo afduubeen dalka ay Chad jaarka yihiin ee Nigeria, kuwaas oo loo malaynayo in la geeyey Goobo ku dhaw xuduudka Labada waddan.

 

Dowlada Maraykanka ayaa hore ugu deeqday Nigeria diyaaradaheeda sirdoonka si ay u baadi goobaan in ka badan 270 gabdhood oo 15kii bishii April la afduubay, gabdhahaasi oo weli la la’ayahey meesha lagu hayo.

Ciidamada ayaa ka qayb qaadan doona sidii wax xog ah looga heli lahaa Goobta rasmig ah ee Hablahaas lagu hayo, iyagoo xuuraanka u soo Gudbin doona Ciidamo gaar ah oo ku Hawllan arrintan.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment