Wednesday, May 28, 2014

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Oo Xilkii Wareejiyey Ee Weedhihii Munaasibadda Laga Yidhi

Hargeysa:May,28,2014(Himilo)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa Maanta Xilkii wasiirnimo si rasmi ah ugu wareejiye Wasiirka cusub ee wasaaraddaas loo magacaabay Muuse Qaasim Cumar.

wareejMunasibadda Xil-wareejinta  oo labada Masuulba ay hadalo ka soo jeediyeen ayaa lagula kala wareegay Faylashii ay wasaaradu lahayd ee ay ku duugnaayeen Macluumaadka SHaqaalaha iyo Hantida kale ee wasaaraddu leedahay, waxana xilkaas loola kala wareegay si kal iyo Laab ah oo waji furan.

Ugu horrayn wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi   Cumar oo halkaasi ka Hadlay  ayaa sheegay inuu si kal iyo laab ah u wareejinayo Xilka laga qaaday, waxana uu wasiirka cusub u rajeeyey inuu eebe ku gargaaro xilka uu haaneeday.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi waxa uu tilmaamay in wixii talo iyo tusaale ah uu la garab joogi doono Wasiirka cusub isla-markaana uu siin doono wixii talo iyo tusaale ah ee uu uga Baahdo.

Waxa kale oo uu   Maxamed Cabdilaahi Cumar Madaxweynaha iy Hoggaanka sare ee Kulmiyeba u soo jeediyey inay tanaasul u sameeyaan Danaha qaranka iyo kuwa xisbigaba, isla-markaana ay yareeyaan Khilaafka dhexdooda soo galay.

 

Sidoo kale Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah  Muuse Qaasim Cumar oo halkaas ka Hadlay ayaa wasiirkii hore uga Mahad naqay sidii wanaagsanayd ee uu   u soo waday Shaqada Wasaaradda iyo Hannaankii uu iskugu soo duba-riday hawlaheeda shaqo.

Waxa uu Wasiir Muuse Qaasim u soo jeediyey Ganacsatada waaweyn ee Reer Somaliland inay Dalka ka daayaan Bariiska iyo Baastada ay ku soo daldalayaan oo ay ku dhaqaaqaan sidii ay u maalgashan lahaayeen Dalka una Buuxin lahaayeen Fursadaha Maal-gashi ee Dalka ka Buuxa.

Ugu dambayntii waxa Halkaas la isku wareejiyey wixii macluumaad ahaa ee Wasaaraddu lahayd, waxana ay munaasibaddu ku dhamaatay farxad iyo isu laab-xaadhnaan ay labada masuul isu muujiyeen.

 

 

 Himilo Media

No comments:

Post a Comment