Qardho, 27 May, 2014 (Himilo)- Xubno ka socda Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo, ayaa shaaca ka qaaday inay weji-gabax kala kulmeen Munaasibad Axaddii toddobaadkan lagu caleemo-saaray Boqorka Beelaha Daarood qabtay magaalada Qardho oo ka tirsan gobolka Karkaar ee Puntland, ka dib markii Calanka Somaliland iyo Ammaanteeda madashaa lagu soo bandhigay, taasoo siday sheegeen Xubnaha Khaatumo ay ka wayraxeen, ka dibna ay ka dareereen Xafladdaas markii laga dayn waayey Calanka Somaliland.
Cali Cilmi Warsame (Cali-Maraykan) oo lagu sheegay La-taliyaha hor-joogaha Khaatumo, ayaa sheegay inay weji-gabax kala soo kulmeen Wefti uu ku jiray oo magaalada Qardho kaga qeybgalay Munaasibad Axaddii lagu Caleemo-saaray Boqorka Beelaha Daarood, markii Somaliland Calankeeda iyo Ammaanteeda lagu wayrixiyey sida uu sheegay isagu.
Cali-Maraykan, ayaa sheegay in weftigooda oo Cali Khaliif Galaydh iyo Garaaddo Dhulbahante ah ku jireen markii ay galeen goobtii xafladda lagu weyrixiyey ammaanta Somaliland, ka dibna cadho kaga soo dhaqaaqeen, iyadoo xafladdii socoto, waxaanu yidhi; “Markaannu tagnay magaalada Qardho, qoladii Puntland way iska beddeleen waxaan ku heshiinnay. Waxay bilaabeen inay nagu weyrixiyaan Somaliland calankeeda. Waxay nagala xishoon waayeen inay naga daayaan Somaliland ammaanteeda iyo sharraxaaddeeda. Dabadeed anigaa kacay oo isku qaaday meeshii makarafoonku yaallay, Askartii baa isugu kay tagtay, oo meeshii igu garaacay, dabadeed waan ka soo baxay goobtii. Waa lagu celceliyey ammaantii Somaliland, annaguna Boqorkii oo aan caanaha lagu shubin ayaannu ka soo dareernay.”
Mar la weydiiyey, waxay kala socdaan dhaqdhaqaaq ciidammada Somaliland ka wadaan deegaannada u dhow Taleex iyo baqdin in ciidammadaasi Somaliland soo galaan mar kale magaalada Taleex, waxa uu ku jawaabay; “Waannu la soconnaa, warkeedana waannu haynaa, annaguna Laascaanood ayaan ku soconnaa, iyaguna ha yimaaddaan Taleex, waa qolada looga horreeyo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment