Friday, May 23, 2014

Hoggaanka Sare ee Kulmiye Oo Si weyn Uga Hor yimi Go’aankii Shalay Lagu Shaaciyey Xubnaha Golaha iyo Guddida Fulinta Ee Xisbiga

Hargeysa:May,23,2014(Himilo)-Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye oo uu HOggaaminayo Guddoomiye Muuse Biixi cabdi ayaa shir jaraa’id oo ay Goor dhaweyd ku qabteen Xaruntooda Magaalada Hargeysa, waxa ay si weyn ugaga soo horjeesteen Go’aamo Guddidii  Gacanta ku Haysay Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga ee Dhawaan Dhamaaday ay   ku shaaciyeen Xubanaha Golaha dhexe iyo Guddida Joogtada ah ee Xisbiga.

kukuHoggaanka ayaa si cad u sheegay inay dhawaaqa Guddida hagaysay Shirweynihii dhamaaday soo saareen uu ahaa mid sharci darro ah oo la dhaafiyey lagana weecday ciddii sharciga u lahayd oo ahayd Guddoomiyaha Xisbiga.

Waxa  ay Hoggaanka Maanta Hadlay oo ka koobnaa         Guddoomiyaha, Kuxigeenka Koowaad, Xoghayaha Guud iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbigu tilmaameen in  liiskaas la soo saaray yahay mid sharciga Baalmarsan.

Gudoomiyaha XIsbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ugu horrahn Halkaas ka Hadlay, ayaa shegay in Shaqadii Guddida Gacanta ku Haysay Shirweynihii dhamaaday ee Xisbiga Shaqadoodu ku ekayd intii shirku socday, isla-markaana aanay awood u lahayn inay Hawlo kale sii wadaan,

“waxanu umadda u qeexi doonaa warkii shalay ka soo yeedhay shirweynihii saddexaad ee Kulmiye, waxan doonayaa inaan caddeeyo inaanay sharci ahayn kulmiyena  ka soo bixin,, shirguddoon shirweyne waxa uu shaqeeyaa waa inta shirku socdo, marka uu shirku dhamaado, markay dhirka guddoominayaan ee hawshu ay socoto ma aha awood ay iyagu leeyihiine waxa ururiyan doodaha iyo Go’aamada Guud Hadalkana way qaybiyaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Muuse ayaa intaas ku daray inuu u igmaday        Guddidan inay soo dhamaystiraan, iskuna soo duba-ridaan wixii qabyo ah eek a  jira  Go’aamadii dhawaan Xisbigu soo saaray, islamarkaana dib loogu soo celiyo Guddoomiyaha, waxana uu yidhi,   “Anigu waxan guddoomiye ahaan u igmaday inay maadaama aanay liistadii Golaha dhexe soo rururin inay soo ururiyan si sharciga xisbiga loo waafajiyo, kabacdina ay noo keenaan, waxay soo saareen shan qoddob oo aan midna Shirkii Golaha ka soo Bixin,”

Guddoomiyaha ayaa si cad u sheegay inaanu  jirin wax khilaaf ah oo Madaxweynaha iyo Xisbiga  dhex yaallaa, balse ay jiraaan Xubno Wasiirro ah oo khilaafka hurinaya, waxana uu yidhi,

"Waxan doonayaa inaan caddeeyo Xukuumadda waxa Guddoomiye u ah Madaxweynaha, Madaxweynaha iyo ku xigeenka, Madaxweynaha wax arrinta ah oo aanu iskugu nimi ma jirto, mana qaba inay xumaani xagiisa kaga imanayso madaxweynaha, laakiin waxa jira Golaha wasiirrada rag badan o ah Afartaa sanadood ka dhex wada xisbiga iyo xuguumadda Khilaafaad, maantana ka hadli maayo ee wakhtigeedaa la gaadhi doonaa.”

 

Guddoomiyaha Koowaad ee Xisbiga Kulmiye  Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay in arrintani tahay mid la doonayo in khilaaf cusub in xisbiga  dhexdiisa laga sameeyo, waxana uu farta ku fiiqay inuu  yahay Khalaf  ay Guddidaasi gashay, isla-markaana la dhamayn doono wixii cillad ah ee soo baxday.

Waxa uu Maxamed Kaahin kale oo uu sheegay in xataa Guddidii shirkaas hore dhamaaday  wadday aanay u dhamaystirnayn wixii shalay soo baxay oo qolo gaar ahi ay arrinta wadatay.

Xoghaya Guud ee Xisbiga  Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay in kooxda Khaladkaas Gashay ay xisbiga Sharicigisii jabiyeen, isla-markaana lagu qaadi doono waxa uu sharicigu ka odhanayo, waxana uu yidhi,

“Guddidadani anigaa Xoghaya Guud ahaa oo ay ahayd inay Xogta ila soo socod siyaan, markii hore Ambassador bay joogeen, markii dambena Xero military iyo Wasaaradda Gashaandhigga ayey la Galeen, Taasina ma aha Khalad ee waa Dembi cad wixii laga yeelayana Dastuurka Xisbigaa dhigaya  iyo sida loo xallinayo Guddoomiyuhu wuu gelayaa Hashiisii waxaan uu uu soo  magacaabaya Guddidii fulinta ee Xisbiga waxana uu Horgeynayaa Fadhiga ugu horreeeya ee Xisbiga”

Guddoomiyaha  Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Jaamac  Shabeel oo halkaas ka Hadlay ayaa wax  aan la aqbali Karin ku tilmaamay natiijada ay ku dhawaaqeen kooxdaa shalay liiska Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta soo Saartay, isagoo sheegay in dhawaan xalkeeda la keeni Doono.

Xisbiga kulmiye ayaa tan iyo intii uu shirweynihisii saddexaad dhamaaday loo malaynayey inuu khilaafkii ka dhex baxay, waxana arrintani ay keeni kartaa inuu meel dheer gaadho khilaafka iyo kala qoqobnaanta xisbiga ku dhex jirtaa.

 

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment