Sunday, May 25, 2014

Guddoomiye Cirro oo Soo Bandhigay Aragtidiisa ku Wejahan Loolanka Murashaxnimada iyo Khilaafka Sharci ee Xisbul-Xaakimka




Guddoomiyaha oo ka Warramay Kulamo uu la Qaatay Siyaasiyiin iyo Maal-qabeenno Danaynaya Somaliland


 


                         


Hargeysa, 25 May, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha khilaafka ka dhex-dillaacay Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye iyo loolanka ka aloosan murashaxnimada xisbiga, isaga oo ku gaabsaday in shuruucda dalka iyo axsaabta loo maro khilaaf kasta oo laysku qabto.


0000000000000091Guddoomiye Cirro oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib safar muddo laba bilood qaatay uu maray waddamo ka tirsan qaaradaha Yurub iyo Eeshiya, waxa uu ka gaabsaday inuu si qoto-dheer uga hadlo khilaafka Xisbiga, balse waxa uu ku taliyey xisbi kastaaba khilaafaadkiisa gudaha inuu dhammeysto, xalkiisana u maraan shuruucda Xisbiga iyo xeerarka dalka.


“Waxaanu jecelnahay wixii khilaafaad ah ee asxaabta Qaranka dhexdooda ahi in ay dhamaystaan. Waddanku waxaa uu leeyahay shuruuc, axsaabtuna shuruuc ayay leedahay, waxaanan rejaynaynaa in Xisbigaa aad sheegtay (Kulmiye) ay qawaaniintooda iyo qawaaniinta dalka u taala ay ku kala bixi doonaan oo ay arrintooda dhamaysan doonaan.  Xisbi kastaa musharaxnimadiisa isaga ayaa Xaq u leh anaguna waxaanu sugaynaa cidda Finalka soo istaagta haddii Alleh ka dhigo,” sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro oo wax laga weydiiyey khilaafka Xisbiga Kulmiye iyo loolanka murashaxnimada Xisbiga talada dalka haya.


Dhinaca kale, Md Cabdiraxmaan Cirro waxa uu tafaasiil ka bixiyey natiijada socdaal uu muddo laba bilood iyo dheeraad ah dalka dibaddiisa ku maqnaa, waxaanu ka warramay kulamo uu la qaatay siyaasiyiin, maal-qabeenno iyo jaaliyadaha Somaliland ee waddamada uu safarkiisa ku maray.


Md Cirro oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Intii aan maqnaa waxaan soo maray dalal ka mid ah qaaradda Yurub iyo dalalka Carabtaba. Waddamada Yurub intii aan marayey waxaan la kulmay baarlamaannada waddamadaas oo ay ka mid ahaayeen Ingiriiska, Sweden iyo Finland. Waxa kale oo aan la kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan dalalka oo ay ku jiraan Raysalwasaare ku-xigeenka Ingiriiska iyo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Finland.


Waxa kale oo aan la kulmay maal-qabeenno dalalkaas ka tirsan oo xiisaynaya inay Somaliland maal-gashadaan. Waxaan la kulmay Axsaabta siyaasadda ee dalalkaas qaar ka mid ah oo aan kala hadlay dhammaantood arrimaha Somaliland.”


Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa uu rejo wax-ku-ool ka muujiyey in Baarlamaanka dalka Finland la horgeeyo mooshin ka dhan Somaliland ka dib markii, sida uu sheegay, uu ku qanciyey madaxda Axsaabta dalkaas qadiyadda Somaliland.


“Intii aan ku sugnaa Finland waxa noo suurto-gashay Axsaabta aan la kulmay qaarkood inay ku qanceen arrinta Somaliland inay kor u qaadaan oo ay baarlamaanka Finland horgeeyaan mooshin ku saabsan Somaliland oo aan filayo in dhowaan la horkeeni doono,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment