Monday, May 26, 2014

Labadii Qof ee Isku Qarxiyey Djibouti Oo La Ogaaday Inay ahaayeen Haweenay iyo Saygeedii Oo Somali ahaa

Djibouti:May,26,2014(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka Djibouti Xasan Cumar oo Warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay in labadii Qof ee fuliyey Qaraxii dhawaan Djibouti ka dhacay ay  ahaayeen Haweenay iyo Saygeedii, isla-markaana Soomaali ahaa.

gabadh qaMudane Xassan Cumar wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in sidaas lagu ogaaday baadhitaan ciidamadu ay sameeyeen islamarkaana badhitaanku uu sii socondoono.

 

Weerarka ka dhacay makhaayada Faransiisku ay leeyihiin, ayaa waxaa ku dhintay 3-ruux oo uu ku jiro muwaadin kasoo jeeda dalka Turkiga,waxaana halkaasi kudhaawacmay 7-ruux oo kasoo jeedda dalka France iyo 4-ruux oo kasoo jeeda dalka Jarmalka, sidaa waxaa hadalkiisa kusii daray wasiirka arimaha Gudaha.

 

Wasiirka wuxuu sheegay in aanay ogeyn cidda kadambeysa Weerarkan balse 2-ruux oo weerarka Fuliyay ay ahaayeen Somali.

Lama sheegin magacyada labada Qof ee halkaas isku qarxiyey, faahfaainna laga bixin sida lagu ogaaday Inay labadan qof is qabeen.

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Geele ayaa sheegay iney Dowladiisu sii wadi doonto Dagaalka Ay kula jirto Argagixisada.

 

Dowlada Jabuuti ayaa Kamid ah wadamada Ciidamadu ay kajoogaan Somalia, waxaana wadankaasi Saldhigyo Milatari kuleh Wadanka Mareykanka iyo Wadamada Kumideysan Howlgalka La dagaalanka Budhcad-badeeda ee Atlantiga.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment