Sunday, May 25, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ah Islamarkaana Masuul Cusub U Magacaabay Jagadaasi

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii ganacsiga iyo maalgashiga Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaana madaxweynuhu xilkaasi u magacaabay Dr Muuse Qaasim Cumar sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed dhamaystiran oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha, waxaanu u dhignaa sidatan:-

 


                                             

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2516/052014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradda u magacaabay Wasiir Cusub.

 

Ujeedo:          Xil-ka Qaadis

 

Ku:      Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,

            Wasiirkii Hore ee W. Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah        

 Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

 

Magacaabid

 

MADAXWEYNUHU:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee JSL;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 


Wuxuu go’aansaday



In Dr. Muuse Qaasim Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 


ALLAA MAHAD LEH


 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment