Thursday, May 29, 2014

Wasiirkii hore ee Ganacsiga oo Weedho Dar-daaran iyo Hoga-tusaaleyn isugu jira ku sagootiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas oo shalay Xilka kala Wareegay




“Dadkeennu Ganacsato yaryar oo danyar ah bay u badan yihiin, hase-yeeshee mishkilado fara badan baa ka taagan oo waxaad mooddaa in Ganacsiga intiisa badan ay gacanta ku hayaan Ganacsato tiro yar oo Maal-qabeenno ah” – Wasiirkii hore ee Ganacsiga


 


“Waxaan jecelahay in wacyigeennu sare u kaco oo ay Ganacsatadeennu ay ka yar koraan Bariiska iyo Sonkorta ay ku tartamayaan,” – Wasiirka Cusub ee Ganacsiga


 


 


Hargeysa, 29 May, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland uu toddobaadkan u magacaabay Madaxweynuhu, ayaa shalay si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaraddaas Wasiirkii hore ee madaxweynuhu xilka ka qaaday Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.


xil-wareejinMunaasibad xil-wareejintaas loo sameeyey oo shalay lagu qabtay Huteel Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa Warbixinno ka jeediyey Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas iyo Masuuliyiinta Waayxaha Wasaaraddaas qaarkood.


Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Munaasibaddaa ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey Hawl-wadeennada kala duwan ee Wasaaraddaas oo uu xusay inay si fiican ula soo shaqeeyeen muddo sannad ah oo uu xilkaas, hayey, waxaanu soo dhaweeyey Wasiirka cusub ee xilka kala wareegaya.


Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu ka warramay waxyaabaha u qabsoomay sannadka uu joogay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo qorshayaasha fulinta u baahan ee ay curiyeen iyo kuwa ay wax ka beddelka ku sameeyeen. “Hawlaha Wasaaradda waxaa ka mid ah wax alla wixii Maalgashi ah ee dibedda ka imanayaa inay Wasaaraddan ku soo horreeyaan oo ay diiwaangeliso, oo ay baadho in waxay la imanayaan horumar dalka u yahay oo aan dhaqaalihii dalka, shaqadii dalka, sharaftii dalka iyo qorshayaashii Qarankani lahaa inaanay waxba yeelaynin inay Wasaaraddu hubiso oo markay hubiso intay diiwaangeliso u gudbiso Hay’adaha kale ee Qaranka ee arrimahaa sida gaarka ah ugu xil-saaran.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.


Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Berigii hore waxay ahayd qofka dibedda ka yimaadda ama Shirkad ha noqoto ama dawlad ha noqoto ama qof-ba ha noqdee ee Maalgashade ah ee doonaya inuu dalkeenna ama Macdan ka soo saaro, ma Saliid ka soo saaro ama Wershado ka dhisto ama Kalluun amaba hawlo kale oo Maalgashi u socda waxay ahayd qof walba meesha laga helo ayuun baa heshiiskooda, wadahadalkooda iyo arrimahoodu ku dhammaan jireen. Arrintaasi is beddel baannu ku samaynay oo Wasaaradda (Ganacsiga iyo Maalgashiga) ayaa lagu soo horreeyaa, Wasaaraddan ayaa xilkaas leh.”


“Wasiirka markaa waxaan dardaaran ugu soo jeedinayaa iyadoo Wasaaraddu leedahay Agaasin iyo waax cusub oo Maalgashiga qaabbilsan in arrintaa halkaas laga sii wado oo gacanta lagu dhigo wax alla wixii Maalgashi ah ee Sharaa’ik ah ee dalkan dibedda kaga imanaya ama Wershad ha dhiso, ama Dekedda ha dhiso ama Haamo ha dhiso ama wax kaleba ha dhisee in Wasaaradda la soo maro oo laga shaqeeyo, arrintaas ayaan anigu muddada sannadka ah ee aan Wasaaraddan joogay ka shaqaynayey, Wasiirka cusub-na waxaan rejaynayaa inuu halkaas ka sii wado, waayo Sharcigaa sidaa u tilmaamaya, danta Qaranka ayaana sidaa ku jirta,” sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi.


Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay inay sameeyeen Siyaasad lagu kala xadaynayo qaybaha Ganacsiga, waxaanu yidhi; “Kala-xadaynta Ganacsiga: Dadkeennu Ganacsato ayuu u badan yahay, weliba Ganacsato yaryar oo danyar ah bay u badan yihiin, hase-yeeshee mishkilado fara badan baa ka taagan oo waxaad mooddaa in Ganacsiga intiisa badan ay gacanta ku hayaan Ganacsato tiro yar oo Maal-qabeenno ah, inkasta oo aannu dhiirrigelinayno Maal-qabeennada Lacagta iyo Dhaqaalaha-ba leh ay dalka horumariyaan, haddana waa in ganacsiga la wadaagaa.”


“Markaa, waxaannu immika dhammaystirnay siyaasaddii kala-xadaynta Ganacsiga oo marka horeba uu jiray nidaam arrintaa sharci ahaan u fasaxayaa. Laakiin, waxaannu samaynay siyaasaddii lagu kala xadaynayey oo immika u baahnayd uun in la faafiyo lana fuliyo, taana waxaan leeyahay Wasiirka cusub haka waabannin ee arrintaas hirgeli haddii Allaah yidhaahdo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.


Waxaanu Maxamed Cabdillaahi intaas ku daray oo uu sheegay inay sameeyeen sharciga loo yaqaanno Maalgashiga caalamiga ah oo uu xusay inuu hore u jiray, balse ay dib u habayn ku sameeyeen, kaasoo u baahan in la hor-geeyo Golayaasha Wasiirrada iyo Sharci-dejinta. Waxa kale oo uu sheegay Wasiirkii hore inay sameeyeen Barnaamij elaktaroonig ah oo uu sheegay in Shirkadaha iyo Ganacsatadu meelkasta oo ay joogaan iskaga diiwaangelin karaan iyaga oo isticmaalaha khadka internetka. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu sheegay inuu si farxad leh u soo dhawaynayo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga ee isaga xilka kala wareegay.


Wasiirka xilka la wareegay ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Cismaan oo gunaanadkii Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ballan-qaadayo hirgelinta qorshaha siyaasadeed ee Wasaaradda u degsan, isaga oo Ganacsatada reer Somaliland u soo jeediyey inay sameeyaan Maalgashi oo ay ku tartanka Bariiska iyo Sonkorta keenistooda ka koraan.


“Waxaan aad u dhiirrigelinayaa inay Ganacsatadeennu Maalgashiga samaysato oo ay dadka iyagu maal-geliyaan waa sidaan anigu jecelahay. Maalgashiga caalamiga ahi waa mid aad u muhiim ah. Inta badan waxaan jecelahay in wacyigeennu sare u kaco oo ay Ganacsatadeennu ay ka yar koraan Bariiska iyo Sonkorta ay ku tartamayaan oo ay Maalgashi sameeyaan oo ay Tamaandhada mar soo wada go’aysa ee aynu daadinayno inay Maalgashi sameeyaan oo aynu Wershado yar-yar u samayno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Muuse Qaasim.


 Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment