Wednesday, May 28, 2014

“Maxaa Muuse ka xaraantimeeyey maanta inuu waddadii Siilaanyo nagu hoggaaminayey ku dhaqmo illayn xisbigu waa Xisbigii, Xeerkuna waa Xeerkii, Magaaladuna waa Hargeysa, waxa soo kordhay ma Haybtaa?” – Xil. Siciid Cilmi Rooble




Hargeysa, 28 May, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tiran Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Xisbiga KULMIYE ee khilaafku hadheeyey kana mid ah Xubnaha Garabka Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay 31-ka bishan May ee aynu ku jirno ay qabanayaan Shirka ugu horreeya ee Golaha dhexe ee Xisbigaas oo Garabka Madaxtooyaduna shalay ku dhawaaqeen inay qabanayaan shirkaas Golaha dhexe 1-da bisha Julay ee maalmuhu ka hadhsan yihiin.


siciid cilmiXildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu si adag ula hadlay Madaxweynaha talada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Garabka uu hoggaaminayo oo uu sheegay inay sharci-darro ku dhaqmayaan, isla markaana Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ee sharciga ah ay inqilaab sharci-darro ah ku soo qaadeen, isagoo xusay waxa uu ugu yeedhay weerarka lagu soo qaaday hoggaanka Xisbiga inaanay aqbali doonin ee sharciga Xisbiga lagu dhaqmi doono. Waxaanu Xildhibaan Siciid ku dooday inaanay jirin wax Guddoomiyaha KULMIYE u diidaya inuu jagada Madaxweyne-nimo isu-sharraxo.


Siciid cilmiXildhibaan Siciid Cilmi oo Maanta Saxaafadda kula Hadlay Xarunta Xisbiga Kulmiye, ayaa xusay in Tartanka loo Wada siman yanay, isla-markaana aanay jiri Karin cid musharaxnimada kooto ku xidhan kartaa. Waxa uu Xildhibaan Siciid Cilmi sheegay inay hore u jireen Heshiisyo suurtagal ka dhigaya in Muuse uu musharax noqon karo, isla-markaana ay jiraan dad xisbiga ka mid ah oo ka soo horjeeda Musharaxnimada Muuse Biixi. “Waad ogtihiin in Huteello lagu shiro oo hadday Madaxweyne Ku-xigeen tahay, hadday Wasiirro tahay oo Madaxtooyadu Xisbigii ku soo duushay, waxaan doonayaa inaan halkan uga jawaabo nimankii Afka Xukuumadda shalay (doorraad) ku hadlayey, Af Xisbi kumay hadleyn oo Afka Xisbiga cid baa ku hadasha, laakiin Af Xukuumadeed bay ku hadlayeen.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.


Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble wax auu sheegay Rag ka xumaa markii uu Madaxweyne Siilaanyo Xisbiga KULMIYE ku wareejiyey Muuse Biixi Cabdi oo Ku-xigeenkiisii koowaad ahaa, waxaanu xusay laga bilaabo maalintaas illaa maanta khilaafka taagani taagnaa, waxaanu yidhi; “Anigu waxaan u arkaa aasaaska dhibaatadan na haysataa ay tahay dad baan raalli ka ahayn in Odaygu wareejiyo Xisbiga, oo doonayey in Odaygu Guddoomiyihii Xisbiga ahaado, inuu Musharrixii ahaado, inuu wax walba ahaado, in Xisbigani aanu ka wareegin ee uu bud-dhig u ahaado.” Waxaanu sheegay in mushkiladdaas si looga baxo ay sameeyeen shirweynihii Xisbiga oo muddo laba sano ah wakhtigiisii dhaafay.


“Laba sannadood buu sharciyan Xisbigayagu muddo dhaafay xilligii shirweynihiisa, haddii ay cidi jirto sharciga iyo qawaaniinta dalka ilaalinaysaa Xisbigani maba jiro, laba sano ayuu dib dhacay, labadaas sanana waxa la wareejinayey inaanay Guddoomiye-nimada Muuse si rasmi ah u xalaaloobin oo aan Muuse gacanta loo taagin oo aan shirweyne lagu dooran ayaa intaaba loo horjoogay. Illaahay taas uu aqbalay inuu Muuse Guddoomiyaha Xisbiga noqdo, waayo ta Allaah ayaa wax walba ka wayn.” Sidaa ayuu yidhi Md. Siciid Cilmi Rooble.


“Sharcigayaga waxa ku qoran qof kasta oo Golaha dhexe ka mid ah inuu u istaago Musharraxa Madaxweynaha, ta layaabka lehina dadka Taas hore xaasidayey waa markii Guddoomiyennimadii uu ILLAAHAY Aqbalay, musharaxnimadii uu Muuse yidhi musharax baan ahayna inay dee Fajaciso ku noqotay, Marka horena is faham baa jirey xilligeeda aannu sheegi doonno oo waajib ka dhigaysay inuu isu taago Musharaxnimada.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.


Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu leeyahay Awoodihii uu hore u lahaan jirey Madaxweyne Siilaanyo Xilliguu uu Guddoomiyaha KULMIYE ahaa, waxana uu su’aal geliyey is-beddelka ku yimi iyo sababta looga soo horjeedo Awoodaha uu Guddoomiyuhu xaqa u leeyahay, waxaanu yidhi; “Shalay waxa Guddoomiyaha Xisbiga ahaa Siilaanyo, Si buuna noola dhaqmi jiray, Maxaase Awoodaha shalay siiyey Siilaanyo Maantana ka qaaday Muuse illayn Dimuqraaddiyad baynu ahayne?”


Xildhibaan Siciid Cilmi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Illaa 2003-2010-kii waxa Guddoomiye noo ahaa oo aannu u daba-joognay Xisbiga oo Golaha Fulina Magacaabayey oo Golaha dhexe  isku dubba-ridayey oo  Siyaasadda Guud ee Xisbiga hagaayey Axmed-Siilaanyo’e, maxaa Muuse ka xaraantimeeyey maanta inuu waddadii Siilaanyo nagu hoggaaminayey uu maanta ku dhaqmo illayn xisbigu waa Xisbigii, Xeerkuna waa Xeerkii, Magaaladuna waa Hargeysa, waxa soo kordhay waa Maxay, Ma Haybtaa? Waxaanse leeyahay War Jiraaba Cakaaruu iman.” Waxa uu Xildhibaanku sheegay in Ragga maanta hadlayaa ay yihiin Rag haddii heshiis dhaco aan berri cidi waxba weydiinaynin oo aan awood ay yeelanayaan jirin.


Waxa uu Xildhibaan Siciid ku dooday inuu si weyn ula yaabay Guddoomiyaha Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu yidhi; “Aad baan uga Xumahay Cadami oo Oday weyn ah oo aan Maanta baahiyi hayn oo waayo-arag ah, oo 80-jir ah, wadka waannu u simannahaye, haddana Khaatumo-xumada lamaan jeclayn Abtigay.”  


Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa sheegay in la taagan  yahay xilligii la diidi lahaa dulmiga iyo Kali-talisnimada, isagoo  soo hadal-qaaday Cabudhinta ay Xukuumaddu ku hayso Xorriyatul-qawlka iyo Madax-bannaanida Warbaahinta, waxaanu yidhi; “Waa Shuqulaadkii aynu ka dagaallannay dalkana Shan boqol oo  kun oo Qof baa innagaga dhintay, Saddex shay baynnu doonaynay, Xorriyatul-qowl, waana kuwaa maanta xidhan Saxaafaddii waxyaalihii aynu ka dagaallannay bay ahayd Cabbudhintu, dalkaannu Keli-talis kama rabo mana oggolaanayno weligeen cid ka xoog-weyn Maxamed Siyaad Barre-na may jirin.”


Xildhibaanka ayaa is weydiiyey sababta keentay iyadoo Madaxweyne Rayaale si wada jir ah loogu qaylinayey oo looga soo horjeeday, in haddana maanta ay cidiba ka hadli waydo dhibaatada ay Xukuumaddu waddo, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid u baahan in jawaabteeda la helo. “Shalayto Riyaale reernimo kumaynaan diidayn, Madaxweyne Somaliland buu ahaa waxaynu badnaynayna waa la Ogaa, haddii ay muddaharaad tahay Kun qaybood baa dagaallamayaye Maxaa loo hadli la’yahay Maanta? Maxaa inna haysta, ma cunsirayad baa dee? Ma Kanaa Isaaq ah baa oo hadli mayno baa, Intii qaybood ee Shalay sida siman u hadlaysay ee wixii qaldan sheegaysay Maye, maxay maanta uga hadli la’yihiin waxa socda?” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.


Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu shaaciyey wakhtiga Garabka Guddoomiyuhu qabanayaan Shirka ugu horreeya ee Golaha dhexe ee KULMIYE, waxaanu yidhi; “Horta, iyadoo Xisbigu awoodihiisii Sharci uu adeegsanayo waxaannu Berri (maanta) siideynaynaa Liiska Golihii dhexe ee Xisbiga. Waxaanan iclaaminayaa in Shirka ugu horreeya ee Golaha dhexe ee KULMIYE waxa uu dhacayaa 31-ka bishan May, ciddii imanaysa, hallagu kala baxo, Sharciguna waa kaannu hayno ee laba maaha, nimanka shalay lahaa Sharcigu waa sidaas ee dadka been u sheegayey sharcigu waakan baannu leenahay. Xisbiganna kii Illaahay u qoray baa berri iman doona, kii Illaahay u qoray uun baa Musharrax ka noqon doono, laakiin-se xoog waxba laguma qaadayo.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland                         


 


 

No comments:

Post a Comment