Tuesday, May 27, 2014

“Madaxweynaha waxan leeyahay Dulqaad Baa Lagugu ogaaye Samee,Nimanka kale ee Kornaylada ahna waxan leehayay shalayto iyo Maanta isku mid ma tihidin,” Ganacsade M. Baarjeex

Hargeysa:May,27,2014(Himilo)-Ganacsade Maxamed Baarleex oo ka mid ah Ganacsatada reer Somaliland, ayaa ka Hadlay Xaaladda Guud ee Dalka iyo waliba muranka soo kala dhex galay Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye.

baarjeexGanacsade Maxamed Baarjeex oo maanta saxaafadda la Hadlay ayaa sheegay in loo Baahan in Muranka xisbiga dhexdiisa  si wada jir ah loo dhameeyo, isla-markaana meesha laga saaro muranka iyo Yoo-yootanka aan Faa’iidada keeni Karin.

 

Waxa uu Maxamed Baarjeex tilmaamay in khilaafka Kulmiye Shaki badan dalka gelin karo, maadaama oo uu yahay Xisbiga Talada Dalka Hayey, sidaa darteedna loo Baahan in kala qaybsanaantiisa dawo loo helo,

“waxan iskugu kiin yeedhay arrin aan is idhi waxay u baahan tahay in laga Hadlo, taas oo wadcigan aynu ku  jirno  aan u arki waayey mid laga aamusnaan karo, taas oo ah Khilaafka soo dhex galay Xisbul xaakimka Kulmiye oo ah Halkii ay taladu inoo taallay ee Dawladdu ka unkuntay, waana xisbigii lafa filayey inuu tasiilaad badan  Gudihiisa iyo dadka kaleba u sameeyo, waxana hore uga soo baxay khilaafyo laga heshiiyey shirweynihiisiina si fiican buu ku dhamaaday, laakiin Arrintan dambe eek us oo korodhay ayaa dadkii shaki badan gelisay ciddii kale ee ay ka timaadana dadku waxa uu u arki lahaa wax la dhayi karo.” Ayuu yidhi Maxamed Baarjeex.

 

Waxa uu Tilmaamay in Dareenkii Muwaadiniinta wax Badani iska Beddeleen, loona Baahan yahay in dareenkaas meesha laga saaro, Haddii la daweyn waayana uu Dibadda u bixi doono, waxana uu yidhi,

 

 

“Dareenka dadka waxa kiciyey waxay nabadgelyadooda, hantidooda iyo nabadgelyadooda ayuu dareen galay, aniguna taas dadkaan kala mid ahay, waxana aan qabaa in qaddiyadaasi ay dalka Dareen Gelisay, inagoo kaliyana ma ahee Dadkii maalgashadayaasha ahaa  dibadda inagag imanayey laftoodu wax bay is weydiinayaan, Habartii shefeil hagbadda ka soo qaadatay ee lahayd Baloodh ka dhisana shaki baa galay, waxana aan leeyahay dadkaa shaki yaan la gelinin, Xisbigana Hala Turxaan Saaro.”

Waxa uu ugu Baaqay Xisbiga inuu dhexdiisa Tanaasul isu sameeyo, isagoo Golaha Guurtidana ugu Baaqay inay Doorkooda ciyaaraan sidii arrinta loo dhamayn lahaa, waxana uu yidhi,

 

“Xisbigu tanaasul badan ha isu sameeyo, Golaha Guurtiduna si Hagar La’aan ah ha uga Taliyaan Doorkoodii Meesha wuu ka muuqdaaye, Haddii  Sharciyadda loo baydho oo wixii ay ku heshiiyeen ku wada hadlaan waxa suurta gal ah in la is af garto, Arrintana yaan la reerayn “

Ugu dambayntii waxa uu Farriin u diray Madaxweynaha iyo Hoggaanka Kulmiye, isagoo ugu baaqay inay isu dulqaataan isuna Tanaasulaan, waxana uu yidhi,

 

“Madaxweynaha waxan leeyahay Dulqaad Baa Lagugu ogaaye Samee,Nimanka kale ee Kornaylada ahna waxan leehayay shalayto iyo Maanta isku mid ma tihidin, maantana awoowyaal baad maraysaan waxana la idinka filayaa inaad talada Guud ee Wanaagsan aad Xambaarsanaataan.”

imilo Media

No comments:

Post a Comment