Tuesday, May 27, 2014

Cabdiraxmaan-Saylici oo Gaashaanka u daruuray Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo uu sheegay inay ka baxeen Heshiis Madaxweynaha loogu daayey Musharraxa KULMIYE




 


Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku haftay Su’aalo laga weydiiyey Cabsida Wasiirrada Garab-fadhiyey ka qabaan hadday Mabda’ooda caddeeyaan inay jidkii Dr. Maxmed Cabdillaahi maraan



Hargeysa, 27 May, 2014 (Himilo)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna Guddoomiye Ku-xigeenka afraad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskii Muuse Biixi Cabdi loogu daayey inaan lagula tartamin jagada Guddoomiye-nimada Xisbiga shanta sano ee soo socda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo-na loogu daayey inaan Musharraxnimada Madaxweynaha lagula tartamin 2015-ka marka la gaadho.


IMG_6892Cabdiraxmaan-Saylici oo hadal ka jeediyey Shir Jaraa’id oo ay 23-xubnood oo ka tirsan Guddiga fulinta Xisbiga KULMIYE oo Wasiirro u badan, ayaa dhalliilay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed, kuwaasoo uu sheegay inay soo dhaafeen, isla markaana ka baxeen heshiiskii loogu daayey Kuraasta ay ku fadhiyaan inaan lagula tartamin, isagoo ugu baaqay inay dhinaca Xisbigu u badan yahay soo raacaan.


“Waxa maanta halkan isugu yimi 23 xubnood oo Guddigii fulinta ah, waxa qabsoomay 28/29-kii April Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE. Annagu annagoo aha Xisbil-xaakuumiga ah, annagoo isku qabna Xisbiga hormuudka ka ah Dimuquraaddiyadda Somaliland, annagoo ah Xisbiga Xeerarkiisa iyo nidaamkiisu illaa 2008-dii illaa maanta Xisbiga keliya ee Marjac, nidaam iyo xeerar loo noqdo lahaa ee aanay Golihiisa dhexe iyo Golihiisa fulintu aanay muran gelin. Maantana aannu ku qasbannahay inaannu dimuquraaddiyadda ilaalinno, inaan ilaalinno hormuudka Somaliland ee Xisbiyada Qaranka, waxaannu mar walba ku khasbannahay inaannu ilaalinno Shuruucda dalka iyo Sharciga Xisbiga u yaalla labada-ba.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Saylici oo sharraxayey natiijadii Shirweynaha.


Waxaanu Md. Saylici oo sharraxaaddiisa iyo dooddiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Shirweynahayagaas sidaa ay Sharciyaqaannadayadu sheegeen waxaannu u marnay waddadii sharciga ahayd. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa hadduu hal Gebi soo rogmado hal geed wuu qarsoomaa. Wixii annagu aannu qorannaynay wuu dhacay oo qayb buu ka dhacay, wixii Xeer Qaran ka soo baxayna Xeerkaas Qaran baa qariyey. Waxa halkaas aannu ku doorannay ama nalagu doortay sidii Xeer Lambar 14 dhigayey Hoggaankii oo lix qof ah iyo Guddigii fulinta oo isku 44 hoggaanku ku jiro ah iyo Golihii dhexe oo halkaas lagu caddeeyey halkii uu markii hore ka ahaa 170 inta tirada dhexe ee la soo xulayo.”


“Marka laga reebo inta xilka ku noqonaysa Golaha dhexe oo sida Xeerkayagu dhigayo ah Guddoomiyeyaasha gobollada, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE ka mid ah iyo lixda hoggaanka oo si toos ah xilka ugu noqda xubnaha Golaha dhexe, waxaana halkaas laga caddeeyey oo maaddaama oo Xisbigii Xisbil-xaakim noqday oo ay Somaliland oo dhami isugu timi oo Ururradii hadhay ku soo biireen waxa lagu kordhiyey boqol xubnood oo 170-kii waxa laga dhigay 270 xubnood.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka afraad ee KULMIYE Cabdiraxmaan-Saylici.


Waxanu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Halkaa waxa laga ansixiyey tiradii Golaha dhexe sida uu Xeer 14 dhigayey inay 270 tahay, halkaas waxa laga ansixiyey hoggaankii oo lambar kaw ahaa. Sidaa daraaddeed, waxaannu leenahay Walaalahayo Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Xeerka lagu doortay iyo Shirweynaha lagu doortay, ayaa Guddigaa Fulinta iyo Golaha dhexe ee maanta (shalay) Xoghayaha guud Shirkooda ku dhawaaqay ayuun baa lagu doortay.”


Cabdiraxmaan-Syalici oo ka hadlayey waxyaabaha Xisbiga dhexdiisa lagaga heshiiyey Shirweynaha ka hor iyo ka dib-ba waxa uu yidhi; “Waxaannu ku heshiinnay mar haddaannu Xeerkii raacnay oo ansixinnay Golaha dhexe tiradiisii, mar haddaan ansixinnay Guddiga Fulinta, weliba waxa loo dhigay Guddiga Fulintu waa 35-kii hore, toddoba xubnood oo lagu kordhiyey, Cabdicasiis Samaale iyo Madaxweynaha oo isagu Xilka ku ah Guddiga Fulinta oo aasaasihii Xisbiga ah, sidaas bay ku ansaxday, 35-kii xubnood oo hore marka la leeyahay dee waa 35 xubnood oo habel iyo hebel loo yaqaanno.”


“Waxaannu ku heshiinnay in Shirguddoonkii shirka lagu ururiyo Liiska. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Afkiisa ayuu ka yidhi Shir-guddoonoow soo ururiya, wixii khilaaf ahna soo dhammeeya, liiska oo shaandhaysan oo aad soo dhammaystirteen nagu soo wareejiya, mana ribaynayo oo xaaraan bay ka tahay. Muddo bil ku dhaw bay ururinayeen Liisaska magacyada, maalin keliya Guddoomiye Muuse Biixi iyo Guddoomiye (Ku-xigeen) Maxamed Kaahin kamay hadal, way la shaqaynayeen, nin walba wixii kaga aaddanaa iyo liiskiisii way u geeyeen, maalintii liisku soo baxay inay yidhaahdaan hawshaaba looma diran waa nasiib-darro.” Sidaa ayuu yidhi Saylici.


Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Walaalahayo waxaan leeyahay Xisbigu halkan buu fadhiyaa, Xisbiga ku soo noqda, Guddoomiyeyaashayadii baad tihiin, sida sharcigu dhigayo nin walba xilkiisa iyo xeerkiisaa loo oggol yahay, halka qodob ee meesha ku jiraa waxa weeye Xisbigu wadahadal buu yeeshay, Xisbigu wuxu ku heshiiyey in Guddoomiyaha Xisbiga aan shanta sano ee soo socota Muuse Biixi Cabdi lagula tartamin.”


“Waxa kale oo uu Xisbigu ku heshiiyey in Musharraxa Madaxweynaha Madaxweynaha hadda talada hayaa oo Dastooriyan xaq u leh markiisii labaad inuu noqdo Musharraxa Madaxweynaha. Markaa, waxaan qabaa inay Walaalahayo soo dhaafayaan wixii Xisbigu ku heshiiyey, markaa waxaan leeyahay talada ku soo noqda, wixii Xisbigu ku heshiiyey-na haka boodin.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga KULMIYE.


Madaxweyne Ku-xigeenku markii uu hadalkiisa dhammeystay waxa la weydiiyey dhawr su’aalood oo la xidhiidha mawduuca uu ka hadlay. Madaxweyne Ku-xigeenka oo waxa su’aal laga weydiiyey inay khilaafkooda Warbaahinta isu marinayaan halkii ay Xafiisyadooda kaga dhammaysan lahaayeen ee ay kaga wadahadli lahaayeen, inay taasi muujin karto inaanay taladii dalka si fiican gacanta ugu haynin.


Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo su’aashaa ka jawaabayaa yidhi; “Maya. Talada dalka si fiican banana gacanta ugu haynaa, hawl-maalmeedkii Xafiisyadu wuu socdaa. Oday baa laga sheegay, oo la yidhi waxa la arkay isaga oo ay Islaantiisii Suuqa Eryanayso, dabadeed waxa la yidhi Hebelloow waa maxay ceebtan dhacday, dabadeed  wuxuu  yidhi, ninka iyo Islaantiisu mar walba way is hayaane, taayadu dibada ayay u soo baxday. Markaa annagu maanu jeclayn  khilaafkayagu dibada u soo baxo e, inaanu gudaha ku dhamaysano ayay ahayd.”


Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka oo su’aal laga weydiiyey haddii ay Hoggaanka Xisbigu u hoggaansami waayo baaqooda ah inay Guddoonka Xisbiga ku soo noqdaan, waxa ay tahay tallaabada tan xigta ee ay qaadayaan, waxa uu ku jawaabay oo yidhi; “Waxa weeyaan Golaha dhexaa isu imanaya, walaalahayana waxaan ka rejaynaynaa inay ku soo noqdaan. Inantii Safarka raacday ee Aabbeheed u cabatay waxay tidhi; ‘Aabbo Safarkii baa I dhibay’ waxa uu yidhi; ‘Aabbo Safarku miyuu ku wada dhibay mise mid iyo labaa ku dhibay? Mayee gebigoodu way I dhibeen bay tidhi; ‘Dee Aabbo safarku ma wada khaldanee adigaa khaldan buu yidhi. Markaa, waxa weeyaan walaalahayo waxaannu leenahay Xisbiga badankiisu hadday Guddi fulineed tahay iyo hadday Gole dhexe tahayba halka Xisbigu u badan yahay uun bay noqonaysaa, iyaguna way ku soo noqonayaan sharciyadda, waxaanan ka codsanaynaa inay ku soo noqdaa oo damacan ay dedejinayaan ay wakhtigiisa halla sugaan.”


Madaxweyne Ku-xigeenka oo la weydiiyey; ‘waxaad ka hadasheen in badan Xeer 14, Xisbiga KULMIYE-na beri hore ayuu Xeer 14 ka tallaabsaday, oo Ergadii Shirweynaha saddexaad Beelo iyo jilib-jilib baa lagu soo xulay, markaa taasi ma dimuquraaddiyad baa mise waa shir beeleed? Waxaanu ku jawaabay; “Horta, Shirkaannu qabsannay shir Qaran buu ahaa, Qabyaalad-na Soomaalidu dhawr kun oo sano ayay ku soo dhaqmaysayoo xataa Qaramada Midoobay ayaa ka kari wayday oo 4.5 Soomaali wax ugu qaybisa, wixii curfi ah ee dhaqankeenna ah iyadoon wax lagu xumaynayn-ba dee gobollada iyo deegaannaa wax lagu qaybiyaa, oo marka la yidhaahdo gobolka Awdal halla geeyo, Awdal haddana qabyaalad ayuun bay hoosta wax kaga sii yara qaybsan waa wax innoo dhaqan ah ee ceeb kale ma jirto, waanaynu ka bixi doonnaa inaynu qabyaalad wax ku qaybsanno.”


Su’aal la weydiiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ahayd; waxaad sheegteen in Guddiga Fulinta ee halkan fadhiya ay ku soo biiraan dadka kale ee Xisbiga hoggaankiisa ah ee maqan inay halkan ka dhex sheegtaan mabda’ooda iyo afkaarta ay aamminsan yihiin ee ay la maqan yihiin, Wasiirkii Ganacsiga Maxamed Cabdillaahi Cumar mabdi’iisa uu aamminsan yahay markii uu sheegtay ayuu shaqadiisa ku waayey. Markaa, ma kula tahay Wasiirradan halkan ku garab-fadhiyaa inay shaqadooda ku ilaashanayaan oo aanay mabda’ooda iyo fikirkooda ay aamminsan yihiin sheegi Karin iyagoo shaqadooda ilaashanaya. Hase-yeeshee, jawaabta su’aashaasi way ku adkaatay Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaanu jawaabteeda isaga riixay dhinaca Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka mid ah Wasiirrada awgood su’aashooda loo weydiiyey Madaxweyne Ku-xigeenka.


Gebo-gabadii Su’aalaha waxa Madaxweyne Ku-xigeenka oo ka jawaabayey su’aal ahayd inuu Madaxweynaha uu u yahay Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen doorashada soo socota oo uu hubo inaan goor-dhaw aanu isaga khilaafka maanta taagan kiisu saamayn doonin, waxa uu yidhi; “Aniga Musharraxnimadayda, Aniga iyo Madaxweynuhu Baakayj isku xidhan baannu nahay, Dastuurku aniga iyo isaga in buu na wada siiyey, labada isku xidhani haddaanay dembi dalka ka gelin ama taladoodu aanay qarribmi waxay xaq u leeyihiin in mar labaad la wada doorto.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment