Xildhibaan Maroof oo sheegay inuu booqasho ku iman doono Somaliland
Sheffield, 25 May, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Mohammed Maroof oo xibsiga Labour-ka ee ugu jiray golaha deegaanka magaalada Sheffield, isla markaana hormood ka ahaa mooshinkii golahaasi ku ayidey qadiyadda Somaliland, ayaa waawey booskiisii ka dib markii lagaga guulaystay doorashada goleyaasha deegaanka Ingiriiska oo todobaadkan ka dhacday dalkaas.
Xildhibaan Maroof oo booskiisa uu ku guulaystay mudane kale oo kasoo baxay xisbiga Labour-ka, ayaa sheegay inuu ka xun yahay inaanu ku guulaysan doorashada golaha deegaanka oo dorraad ka dhacday dalka Britain guud ahaan, haseyeeshee waxa uu ballan-qaaday inuu dhowaan booqasho ku iman doono Somaliland.
Xildhibaan Maroof oo laba bilood ka hor u soo gudbiyey golaha deegaanka Sheffield mooshin lagu aqoonsaday madaxbanaanida Somaliland, ayaa qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku sheegay, “Waxaan u mahadcelinayaa dadka degan Central Ward fursaddii ay ii siiyeen inaan sannadahii tegay u shaqeeyo. Waan ka xumahay inaan sii wado shaqadaan u hayey, laakiin, waan u mahadcelinayaa dadkii ii codeeyey, taageerayaashii, qoyskayga iyo saaxiibaday.”
Sidoo kale, qoraal xisbiga Labour ka soo saaray magaalada Sheffield looguna mahad-naq xildhibaanka hawlihii uu xisbiga iyo bulshada u hayey, ayaa lagu sheegay, “Waan ka xun nahay inaan xildhibaan Maroof ku guulaysan doorashada, iyo inuu mar kale u qabto hawlahii kala duwana iyo horumarka bulshada Sheffield. Waxaan u rajaynayaa guul.”
Xildhibaan Maroof oo doorashada oo hore u ballan-qaaday inuu socdaal ku iman doono Somaliland, ayaa xaqiijiyey inaanay guul-darrada ka soo gaadhay doorashadu wax saamayn ah ku yeelan doonin, mar uu xalay khadka telefonka ku weydiiyey Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Wargeyska Himilo.
“Hadii Illaah yidhaahdo, wuu ii qorshaysan yahay booqasho aan ku imaado Somaliland,” ayuu yidhi Xildhibaan Maroof.
Fadhi ay yeesheen Mudaneyaasha Golaha Deegaanka magaalada Sheffield isla markaana ay fadhiyeen 80 xildhibaan oo golahaasi ka kooban yahay, ayaa bishii March ee sannadkan meel-mariyey mooshin ku saabsan qadiyadda Madaxbannaanida Somaliland oo loo gudbiyey, waxaanay dhammaantood u codeeyeen inay taageersan yihiin isla markaana ay aqoonsadeen madax-bannaanida Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment